600 Deg Deg:Wakhtiga La Dooranaayo Gudoomiyah Barlamaanka Puntland oo La Shaaciyay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Wakhtiga La Dooranaayo Gudoomiyah Barlamaanka Puntland oo La Shaaciyay,

Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa Sabtida maanta shaaciyay habraaca iyo shuruudaha doorashada oo sida qorshaysan la qaban doono Khamiista soo socota.

Sida ku qoran habraaca guddiga, musharrax kasta waxaa laga doonaya in uu soo gudbiyo qoraal codsiya iyo laba sawir oo uu ku soo lifaaqay nuqul kamid ah taariikh-nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka.

Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, waxaana ay socon doontaa mudda saddex maalmood ah, iyadoo ku eg 13-ka bisha oo ku began maalinta Arbacada ah.

Guddigu waxay sheegeen in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada.

Hoos ka daalaco habraaca iyo shuruudaha oo dhan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. HILLAAC says:

    Haddee waa sidii dawlad lagu yaqaannay, laandheere laandheere dhalay.

    HABAR BAA ISKA HAWHAWLEE HEELLADA INOO TUMA!




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...