600 Deg Deg:Puntland Oo Si Adag Uga Hadashay Warar Sheegaya In Farmaajo Ciidan Ka Qoranaayo Gaalkacayo, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Puntland Oo Si Adag Uga Hadashay Warar Sheegaya In Farmaajo Ciidan Ka Qoranaayo Gaalkacayo,

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegayay in dowlada federaalka Soomaaliya ciidamo cusub ka qoraneyso Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga magalaada Gaalkacyo iyo deegaano kale .

Warkan oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa keentay in maamulka Puntland gaar ahaan gudoomiyaha maamulkaasi ugu magacaaban Gobolka Mudug ka hadlo arintan si weyna u beeniyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in dowlada federaalka si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneyso gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Wararkan meelaha lasoo dhigay waa kuwa been abuur ah oon waxbo ka jirin , colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna halkan kama jiro, warkan waxaa faafiyay qolyo lacag ku raadinaya” ayuu yiri Axmed Muuse.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland in wax xiriir ah aysan kala dhaxeyn dowlada federaalka maamulkiisa, waxa uuna xusay in ay hoostagaan maamulka Puntland ee xaruntiisu tahay Garawe.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili xiriir wanaagsan uusan ka dhaxeyn dowlada federaalka iyo maamulka Puntland, waxaana labada dhinac u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo xalinteeda lagu guul dareestay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. HILLAAC says:

    Folkaanuhu marba dhinac buu ka qarxayaa, QURMIS QURMIS DHALAY.

  2. mohamed yussuf says:

    waxaa caddaatey Puntland lagu kalategayo oo ay tahay Rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaacye, inoo kala sooca geela




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...