600 Deg Deg Daawo:Dhoobo Daareed Oo Ka Baxay Garoowe. | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Dhoobo Daareed Oo Ka Baxay Garoowe.

Garoowe{ Khaatumonews }Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland guud ahaanbaiskaga baxay gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maalintii Khamiista ahayd ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Dhoobo Daareed, ayaa kala baxay magaalada Garoowe ciidamo uu watay iyo gaadiidkiisii, waxaana uu gaadhay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag oo uu ku sugan yahay Hada.

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn ujeedka safarka Dhoobo ayaa waxa ay sheegayaan warar soo baxaya in uusan dib ugu soo noqon doonin Garowe halka kuwo kalena ay sheegayaan in waxgaradka, culimo awdiinta iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sanaag uu shir uga furmi doono deegaano kamid ah gobolkaasi kaas oo ay kaga wada tashan doonaan ayaahooda mustaqbal iyo kan siyaasadeed ee Puntland.

Isku soowada duubo Maalintii shalay ahayd ayaa banaan baxyo xoogani waxa ay ka dhaceen deegaano kamid ah gobolka Sanaag, kuwaas oo lagaga soo hor jeeday xilka qaadista Dhoobo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. jugsodhacay says:

    XAMAR AMA hargaysa haiska xaadiriyo ilayn nin afku kawaynaaday xingalool kuma noolaan karee

  2. HILLAAC says:

    HAGOOGANE MIYAA!

    Xingalool waa magaalo BAH-IDOOR, markaa Dhoobo waa qoladaas baan filayaa.

    Horta waligood nimankan siyaasiyiinta ahi way eryanayeen meel ay joogaanba oo kolba mid baa mooshin laga keeni jiray, laakiin dhacdadani waxa ay kaga duwanayd waxyaabo isukay qaban waayey.

    Waxaa muuqatay in xarunta baarlamaanka Garoowe uu dagaal ka dhacay oo xaruntana niman warsangali ah baa ku sugnaa oo ilaalo u ahaa. Marka xarunta ma Warsangeli baa iska lahaa?! Ciidanka xarunta baarlamaanka ilaaliyaa maxaa Warsangeliga soocan ka dhigay? Mise sharciga Puntlandbaa sidaa dhigaya,yacni qolada guddoomiyahaa ilaalinaysa xarunta.

    Waa arrin si u gurracan, aad baanna uga xumahay in uu meesha dagaalba ka dhaco waayo markasta dad masaakiin ah baa wax ku noqda. Kuwa soo weerarayna way ila khaldanaayeen oo kuwa xarunta ku dagaalamayna way ila khaldanaayeen. Wax isdhaama meesha kama muuqdaan. Dilka iyo dagaalkana waxaa eeddeeda iska leh nimanka siyaasiyiinta ah ee meesha isku haystay labada dhinacba.

    Waxaase ka siidaran, isla subaxiiba hawshiibaa la iska watay iyadoo xitaa aan la’aasin dadkii meesha lagu laayey ee shicibka lahaa.

    Marka dadka noocaas ahi ummad ma hoggaamin karaan, labada dhinacba. Waxaa marka habboon in ayna dadku ku jaahwareerin arrimahan. Muddaharaadyo, shirar, qurbajoog iyo facebook. Waar la isma dhaama e arrinka cagta halloo dhigo si miyir qabtana hallaysu waraysto.

    Ninka aan Majeerteenka ahayn ee xil looga magacaabo ama looga doorto Garoowe, waa in uu ogaadaa in uu meeshaas u joogo oo kaliya garaamaadkiisa. Hadduu marka hawlahooda faragashado, usagaa gardaran waayo dee meesha reer baa iska leh; wax lagu shuraakoobay majidho.

    Sidaasoo kale, qofka Hargeysa xil looga magacaabo ama looga doorto ee aan Isaaq ahayn, ha ogaado in uu halkaa u joogo garaamaadkiisa oo keliya oo uu san go’aankana waxku lahayn; waayo, reer baa meesha iska leh ee qaran maleh.Dawladdii Soomaali ka dhaxaysay waa taa muqdisha fadhida.

    Dhoobo waxaan ku taageersanahay in uu la guriyay nimankan oo uu dadkii ku baraarijiyay waxa meesha yaalla ee laysu qarinayey. Waxbaanu isku darsannay, waar waxba lasykuma darsan ee waa laysku guurayey oo qolyaa waligoodba inta shilimaad loo tuuro lagu awrkacsanayey.

    Marka ay giraantu halkaa botorinayso, Warsangeli & Dhulbahante ma tashan karaan illeen cidi kama dawladsan e. Xaggana waa aragnaa oo halkaana waa aragnaa e4 isu keena keena nacalaa nin liita ku yaalle.

    Haddii marka ay dawladda Soomaaliya maanta dhabarka noo jeediso oo ay gunnimo noo istaagto, Garoowe iyo Boosaaso aan ku gumoowno intaan Hargeysa & Burco ku gumoobi lahayn.

    • Binary Operation says:

      Hilaac

      waad iga qoslisay, nin ku fiican kala hadalka ayaad tahay. kkkkkkkkkkkkkk

      somaliland sool kuma joogto baryo ee waa sida reerkiinu sheego ee ah xoog ciidan.

      tan sanaagna ninkii wadadeeda inoo xaadhayay ilaahay ba keenay. sidii xaabsade albaabada laascaanood u furay bu inshallah dhoobo daareed na inoogu furi doona.

      who cares about your say, illeen waxaagu waa iska munaafaqad oo kalee. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

      • HILLAAC says:

        Binary-waa runtaa oo xaabsadaa qayb-weyn ka qaatay Laaska qabashadiisii, xaggeese buu maanta ku sugan yahay mase ka faa’iidaysateen?

        Midda kale, anigu kuguma haysto Isaaq ee maxaad Hartiga iigu haysataa? Garxejis mahadhadaad ku dhigteen cidwalba waa ogtahay. Hartibay magan u noqdeen oo hadana buurahay saaran-yihiin sidii daanyeerkii. Sagaashameedyadii CIIDAGALE waxaad ka eryateen magaaladoodeii Hargeysa, oo sidaa kaga maydaan harine xitaa aydiibaad kaga dabatagteen markaasaad HILIB GEELKII ka eryateen; maxaad u malaynaysaa reerkaas oo hilib geel bisil laga eryaday? Alla show maxay idin habaareen. Illaa heerkaasa baad isla gaadheen oo hadana waad wada socotaan.

        Haddaan annagu marka isqabano, maxaad wax weyn uga dhigaysaa? Reerkan Maxamuud Saleebaan annagaa u oggol in ay na hoggaamiyeen, laakiin in ay xadka ka baxaan maaha. Haddase waxa ay u muuqataa in ay xadka ka sii baxayaan oo ayna waxba xeerinayn. Waa u digaynaa mareka.

        Iyada oo ay taasi jidho, haddana anigu waxa aan aamminsanahay Somaliland Callan leh oo dawlad ah. Laakiin nasiib darro ma muuqato markaad eegto waxyaabaha Hargeysa laga soo afuufayo iyo hoggaanka guudba, yaasna sababta ugu weyn Isaaqbaa iska leh.

        Isku feker baad aamminsantihiin intiinna badani (ISAAQ) Xaabsadaa Laaska nagu wareekiyay oo xoogbaannu ku joognaa oo illaa Tukaraq baannu joognaa, waar waxaasu dawladnimo maaha. Ma dawladnimaan raadinaynaa mise maamul goboleednimo?

        Haddii la raadinaayo maamul goboleed dee Waqooyi-Galbeed iyo Togdheer shuruuddii federaalka way buuxiyeen ee waxba yaan layslugooyn, haddiise ictiraaf iyo madaxbannaani la rabo dee wadadeedii iyo wax u dhowtoona lamahayo.

        Marka, foosto dalooshaad dhaaminaysaan inta aad ku fekeraysaan xoogbaannu idinku haysannaa iyo Tukaraq baannu joognaa; khiyaali baad isugu sheekeynaysaan. Idinkaase saaxiga keenidoona goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn markaad aragtaan kuwaad ciidanka ku sheegi jirteen oo shaadhkii bedeshay sidii ka dhacday Sanaag-Bari, goor aan fogaynna way imanaysaa.

    • LAFARUUGAAWI says:

      EVER NEVER REER SOMALO MADAXWEYNE
      AYAY U WADA WAASHEEN

      KKKKKKKKJJIJIJI

      WAAR DADKIINA U NAXA .
      DAGAALKII HAGOOGANE WAXA FOODA IS GELIYAY WADAADKII AMA USTAADKII AY DHUL MA HANTE KU DHAARTAAN
      IYO

      JUST CLICK ON

      http//.camel Somaliland.com

  3. Abc says:

    Dhoobo gacmo iyo qalbi furan ku soo dhawow somaliland.




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...