600 Deg Deg Daawo:Dhoobo Daareed Oo Afka Furtay Isagoo Ku Sugan Sanaag. | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Dhoobo Daareed Oo Afka Furtay Isagoo Ku Sugan Sanaag.

Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-Daareed khamiistii hore ayaa xilka ay ka qaadeen mudanayaal katirsan baarlamaanka Puntland, waxaa uu shalay galab gaadhay magaalada uu kasoo jeedo ee Xiingalool gobalka Sanaag, halkaas waxaa todobaadkii hore joogay wasiiro katirsan maamulka Puntland oo ka waday howlaha la xariira dhismaha golaha deegaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shir jaraa’id oo uu qabtay galabtay, wuxuu kaga hadlay dhawr marxaladooda oo ku wajahan xil ka qaadistii lagu sameeyey, dhacdadii lagu weeraray Xarunta baarlamaanka iyo siyaasadiisa waxyaabaha ku wajahan ama uu qorsheynayo.

Dhooba wuxuu kuceliyey in uu yahay Gudoomiyaha sharciga ah ee baarlamaanka Puntland, sharci darro ayuu ku sifeeyey talaabadii xilka looga qaaday, wuxuu sheegay in aan loogu yeeri karin Gudoomiyihii hore, balse uu yahay gudoomiyaha sharciga ah, tanni waxay ka dhigan tahay in uusan aqoonsan natiijadii cod bixintii dhacday khamiistii lasoo dhaafay.

Sidaas oo kale, wuxuu sheegay hadal ahayd duurxul siyaasadeed, wuxuuna daaha ka rogay in uu soo dhaweynayo wada jirka iyo iskaashi dhexmara gobalada Sool & Sanaag, dad badana ayaan u arkayay in hanqal-taaga Maamul gobaleed cusub oo ay gobaladaasi yeeshaan, taas oo maalmihii u dambeeyey la waday hadal-heynteeda balse aysan jirin wax banaanka u soo baxay.

Xukuumadda Puntland ayuu ku eedeeyey in ay lahayd masuuliyadda weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay in golihiisa la weeraray, la jabsaday isla markaasna lagu tuntay dastuurka deegaanadaas u yaala, taas oo uu sheegay in ay muujinayso in aan diyaar loo aheyn in lagu dhaqmo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 11)

  1. Saed says:

    Nin hooyadi gacantiisa ku dilay beesha sharafta leh ee warsangeli ma magaalo
    Ee dumarka iyo ciyaalka aad baroorta kula wareegsyso ka la tag
    Adigoo gudoomiye lagugu sharfay maanta in aad. Meel cidlaa ka soo qayliso sharaf kuuma ahan adigoo garoowe jooga baa ka la rabay in aad hadashid.
    Nabsigii aad ka gashay gudoomiyihii baarlamaanka waqtigii Gaas joogey
    Saciid xasan shire baa ku qabtay
    Intaad moonshin ka keentay oo xilkii ka qaaday baad hadana gudoomiye isu sharaxday laakiin waqtigaas kuma aad guulaysan maxaad hada la qaylinaysaa

  2. Saed says:

    Nin hooyadi gacantiisa ku dilay beesha sharafta leh ee warsangeli ma mataalo
    Ee dumarka iyo ciyaalka aad baroorta kula wareegsyso ka la tag
    Adigoo gudoomiye lagugu sharfay maanta in aad. Meel cidlaa ka soo qayliso sharaf kuuma ahan adigoo garoowe jooga baa la rabay in aad hadashid.
    Nabsigii aad ka gashay gudoomiyihii baarlamaanka waqtigii Gaas joogey
    Saciid xasan shire baa ku qabtay
    Intaad moonshin ka keentay oo xilkii ka qaaday baad hadana gudoomiye isu sharaxday laakiin waqtigaas kuma aad guulaysan maxaad hada la qaylinaysaa

  3. Mo says:

    Ninkan waxaa sumaysay villa somaliya! haddaysan saas ahayn maxaa layskaga hor yimid oo meesha yaalla!! Deni waa hay’addii fulinta oo waliba aan wakhti badan joogin! marka waxa laysku qabtay waa faragelinta Farmaajo oo markuu awood kale waayey ka shaqeeyey isku dirka dadka walaalaha ah si uu khalkhal siyaasadeed u abuuro.

    waxaan ognahay in gudoomiyuhu 2 weeks xamar joogay has sagoo aan u joogin dan puntland, waxaa isaga la mida odayga madaxa cad ee dhulbahante ee tuugga la moodo! isna waa in laga takhalusaa!!

    puntland nikan daacad u ahayn waa in la baddalaa.
    hadda ogow anigu maahi majeerteen!! kaliya waxaan nebcahay dad waxba dhisan karin oo maamul rag kale dhistay raba inay dumiyaan.

    haddaad wax dhisan karto orodoo dhiso illeen cidi kuma hortaagnee!! haddii kale edeb yeelo!!

    • CEELAAYO says:

      MUMU

      ADIGU INAA NAASAA DUMARKA SAMAYSATAY WAA LAGU SOO OGAADEEN

      NIIKADAADU HA KU DEEQDO

      MR DHOOBO DAAROOD NA WAA SOMALILANDER DALKIISII HOOYO JOOGEE FAQASH FAQASH WALIGOOD HAYS CUNAAN.

      qaranka dhidibadaa.con

  4. HILLAAC says:

    Waa ku salaamay guddoomiye, aad iyo aad. Mar haddaad (GUDDOOMIYE) magaaladaadii ka soo jeesatay si kalaad yeeli lahayd garan maayo, waayo dee magaalooyinkii waa la kala sheegtay oo waa la isku dilay. Weerar qaawan iyo awood sheegashaa dhacday.

    Si kastaba, waa alle mahaddii mar haddii Warsangeli leeyihiin waar reer Sooloow isu keen keena; waa idin soo dhowaynaynaa. Cidi nagama dawladsana ee sibuu tashigu nooga maroorsamay. Reer Maakhiroow shirkaad ku baaqdeen si miyir ah oo bilaa caadifad ah u qabsada. Wax allaale iyo waxaad noola timaaddaan diyaar baannu idiinla nahay, annagaa markii horeba reer Garoowe wax ka dhignay. Annagaa meesha u qurxinaynay, riyahooda ha waseen.

  5. Binary Operation says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    deni abaal kiisu mariyay, haatana odaygu ha garowsado inuu yahay gudoomiyihii hore oo la eryay.

    hal jid baa odaygaa u furan waa inuu somaliland la heshiiya oo yeela siduu saaxiibkii axmed xaabsade yeelay 2007 kii.

    hadiise kale anakaaba shaqaysan oo sidii cali khaliif bu ku dambayn inuu isu keen dhiibo.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Meygagle says:

    Dhooba gareen haduuba geedkii garan waaga shir jaraa’id ku qabanayo villa somalia cashar ugu filan

  7. Binary Operation says:

    shacabka magaalada badhan oo ku dhawaaqaya somaliland hanoolaato puntland ha dhacdo,

    puntland waxba nooma qaban somaliland baanu nahay.

    https://www.facebook.com/xasan.dheere.750/videos/765908523925684/

  8. Jaale farmaajo says:

    Farmaajo waxaa uu dabada kuwataa waa fikirkii Soomaliland iyo Soomalia ayaa wada hadlaya. Fikir isaaqeysan iyo amisom dheh. Framaajo waxaa dhehta loogu sheegey wada halka Soomalia iyo Soomaliland micnaheedu waxuu yahey dowlad goboleedka meesha ka saar. Hirshebeel la liq koonfur galbeed la liq galmudug la liq jubland la liq. Puntland isku dira farmaajo oo dhoobo dareed iyo Cali lhaliif isku dara.oo maamul gooni u samee set Puntland meesha uga baxdo farmaajo kulahaa.

  9. Sede Daarood says:

    Walee Dhoobe Waa nin Raga
    Qabiilkiisiina Waaahaystaa
    Waxaa ugu daran nin Aan garoowe
    Meelaka
    Aadi.karin
    Guul Dhoobo Shaqabadan

  10. Abc says:

    Cirkaa dheer, dhulkaa dheer caweys ma dhex yuuraraa.
    Xaajigii waa kaa cidka ka qudbadeeyey .faduushii boqortooyada kuu geysey haka saarto.
    Somaliland ku soo dhowaaw, halkanaa wax lagaaga ogol yaheye.




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...