600 Deg Deg:Dhoobo Daareed Oo Maleeshiyaad Soo Abaabulay Iyo Xiisad Ka Taagan Ceel-Daahir | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Dhoobo Daareed Oo Maleeshiyaad Soo Abaabulay Iyo Xiisad Ka Taagan Ceel-Daahir

Maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda beesha Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Maxamed Axmed (Dhooba-Daareed) ayaa galabtay saldhig ka sameystay duleedka deegaanka CeelDaahir oo muhiim u ah isku socodka gobalada Puntland, gaar ahaana Boosaaso & Garoowe.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay maleeshiyaadkani ka careysan yihiin weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, oo ay ku eedeynayaan in ay dad gaar ah ka dambeeyeen ,

Maleeshiyo beeleedka cusub ayaa wararku sheegayaan in ay doonayaan in ay kala joojiyaan isku socodka gaadiidka gobalada Nugaal & Barri, taas oo ka dhigan haddii ay dhacdo talaabo ay dad badan dhib kasoo gaari karto.

Wada hadal ay isku dayeen in ay Odayaasha dhaqanka ee Ceeldaahir ku xaliyaan arrintan ayaa fashilmay oo ay diideen in ay amarkooda qaatan.

Gaadiidka safarleyda ah ayey ku noqonaysaa caqabada koowaad, maadaama isku socodka Boosaaso & Garoowe ay muhiim u tahay in la maro wadadaas, waxaana talabaadan loo arkaa mid halis leh.

Xukuumadda Puntland ayaan wali ka hadlin arrimaha ku saabsan weerarkii ay ku qaaday xarunta baarlamaanka iyo talaabadii ka dambeysay ee xilka looga qaaday gudoomiyihii baarlamaanka Puntland

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Saed says:

    Dhoobo daareed 3 godoomiye baarlamaan buu wax ka riday oo moonshin ka keenay 3 goorna isagaa isu sharaxan gudoomiye baarlamaan gudoomiyihii uu wax ka riday waxaa ugu danbeeyey. Gudoomiyihii xiligii cabdiweli gaas. 20 sano buu xikdhibaan ka ahaa puntland. dhoobo daareed waa iska goolaaftan xoogaagii uu Nabad iyo Nolol ka soo qaatay Buu Bidlaysanaya. Wersengili iyo majeerteen isku magaali Mayan dhoobo daareed dartiis maxaa gudoomiye looga qaaday

  2. GENERAL LAFARUUGAAWI says:

    GUULAYSTA
    GEESIYAASHA

    GOBOLKA BADHAN EE SOMALILAND REPUBLIC

    MUSHAHAARKII

    HUBKII IYO SANAADIINIINA BERITO AYAY IDIN SOO GAADHAYSAAYE IYO WALIBA GURMAD XOOG BADAN EE IS DIFAACA
    GAROOWE DIGAANDIGAHAYNU KA DHIGAYNAAYE WAAYO HALAMASH NAAGOOD WAA IN LA KIBIR JEBIYAA.

    http//.hubka culus somaliland.com

  3. Oday jaamac says:

    Riyahaa layiri iyagaa xananka lugahooday ku doontaan . putlayn (beesha majeerteen) Waysku soo yaraysay xuduudii , khaatumo iyo ssc bay horyaaceen oo buhodle, widhwidh,lasano,waqdari,kadagaalanta..
    Maanta garoowaa laduljoogaa. Meeye dadkii laga fardhigi waayay…
    Maantana beesha warsangeli oo la’ogyahay waxay kawadaan galagala baa tana lagu daray…

  4. Maakhiri says:

    Markaay weerarayaan Xarunta baarlaamka
    Dadkaygiima kulaynayaan
    Kuwii xilkahayay magaalada iyagudeganaayeen Wanaag masameeyeen
    Adeer Wanaagu iyo Hartinimadu anaiga
    Ilamadhalan Qadhaadhkayagii Naad arkaysaan
    Walaa dhulbahante Mardanbe WanaAg
    Cidna umagelayno maamulkaa burburayna
    Anagaa Dadka isku haynay wanaagaya
    Maydinkaa wadajoogilahaa
    Waxaaad cuntaanuun baadrabtaaa
    Karaash Magaaladiisii Xudun Mategikaro
    Deni maanta Boosaaaso Gaadhi umaraacilaro
    Bro I am Power hadaad wax ogaaan

  5. Binary Operation says:

    mashallah, waan soo dhawaynaya kacdoonka oo hormuudka ka yahay dhoobo daareed.

    wixii uu inooga baahdo ka somaliland ahaana waanu siin doona.

    warsengeli gunimada dad yeela kuma ogi ee waa dad gunimada iyo quudhsiga diida oo ka dhiidhiya,

    sida dhulbahante ba uga dhiidhiyay gunimo iyo quudhsi idinkuna maanta yeelo bahashaas ka dhiidhiya.

    dad wanaagsan baad tihiin gacmo furana waa la idinku soo dhawaynayaa.

    dhoobo daareed na haduu inooga baahdo taakulo sidii axmed xaabsade ba u taakulaynay baanu isna u taakulayn doona.

  6. CUMAR BINU CAFUUF says:

    @ buurta SHEEKH.com

    Kkkkkkkkjjijijiji

    ISMA OG ISMA TAQAAN.?!?
    OO WALIBA
    LOO TUDHAYO




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...