600 Deg Deg:Gudoomiye Dhoobo Daareed Iyo Maleeshiyaadkii U Watay Xagay Aaden War Cusub Maxaase Ka jira Iscasilada, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Gudoomiye Dhoobo Daareed Iyo Maleeshiyaadkii U Watay Xagay Aaden War Cusub Maxaase Ka jira Iscasilada,

Waxaa goordhawayd laga saaray xarunta baarlamanka Puntland maleeshiyo hubaysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Gudoomiyaha baarlamanka ka dib culays uga yimid dhanka dowladda iyo waxgarad la heyb ah sida ay u xaqiijiyeen Khaatumonews saraakiil ka tirsan laamaha amaanka.

Ciidankan laga saaray xarunta oo fiidkii israsaasayn ku dhexmartay Aaaga baarlamanka booliska GAROWE ayaa watay sida la xaqiijiyay saddex gaari oo nooca dagaalka,waxayna uga wareegeen goobta laga saaray hoyga uu ka degan yahay Garoowe Gudoomiyaha baarlamanka Puntland.

Gudoomiye Dhoobo Daareed iyo Maleehsiyaadka u Watay ayaa Dhakadda sare waxaa Ka Haystay Ciidamada Putland Balse waxaa Markii Danbe ku Guulaystay in Si Nabad Ah looga Saaro Hoolka Gudoomiyaha iyo Maleeshiyaadka u wato Isimada Puntland,

Saacadihii u dambeeyay waxaa isku geedaamay xarunta baarlamanka ciidamo ka tirsan Puntland oo qorshahoodu ahaa inay si xoog ah uga saaraan xarunta baarlamanka ciidanka taabacsanaa Gudoomiyaha oo hab nabadgalya goordhaweyd uga baxay xarunta ka dib dadaal dheer oo ay galeen xubno isugu jira masuuliyiin xilal ka haya dowladda iyo qeybaha bulshada.

Ka bixitaanka ciidankaan ayaa imaanaysa xilli khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh ay ka dhalatay israsaasayn caawa fiidkii dhexmartay iyaga iyo ilaalada taliyaha booliska oo sheegay si lama filaan ah rasaas in loogu furay isaga iyo ilaalo yar oo la socotay.

Xukumadda Deni, Ayaa wada In Mooshinka Lagu ridaayo Gudoomiye Dhoobo La Qabto Saacadaha Soo Socda,

Dhanka kale waxaa Jira warar Hoose Khaatumonews Soo Gaadhaya oo Sheegaya in Gudoomiye Dhoobo Daareed IScasilaayo,

Wixii Soo Kordha kala soco Khaatumonews

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. MrSomali says:

    ader PUNTLAND WAA MEEL FIKIR XALAAL AH KA JIRO MAAHA SAYLCI SOMALILAND MAQAAR SAAR IYO ina Baashe oo dhulbhante ah oolagu dhex feedho baarlamanka iyo INA KOORE OO NACAMLE AH Sidii xagla toosiye iyo xaabsade kkkkk

    • Xaaji xarago says:

      Markaa karaash maqaarsar maaha …dhoobana kan maanuu ahayn inta la fahmi waayay..sidaa foosha xun loo galaayo…hhh

      Puntland ayaa dimuqraadi ah yaab

  2. Wadaniboy says:

    Ninkaan waa laha gardara yahay. Madaxweynaha kasta oo yimda puntlabd wuxuu kadhigaan mesha meel ay ayagu leeyihiin. Iydoo loogu dul qatay. In madaxwy qorI isku dhib yahay hadana. Kaala xisaabtsn. Baa gudoomiyaha baarlamaanka loo weeraray. Cajiib. Cajiib. Cabdiakiim waa in madaxwy laga dhigaa hadii ladono yo jiritaanka puntland waayo .madaxweynaha kaxanaqay. Markii wac laeaydiiyay oo cararay. Waxay kutisi aqonyarida. Oyo siduu u xanaqay. Kkk ninkii wax waydiiyay maxanaqin laskiin madaxwaye waa cararay tariikh xumo wayn adkaysimalaha waa la idoor sty macnaheeda maha inadan xissabtam in. Kkkk

  3. HILLAAC says:

    Karaash baa dhiman, laakiin dee karassh awalba waxba gacanta uguma jirin (babysitter). Maxaa marka laga eryadaa?

    Waar meeshu waa xaafad reer leeyahay, marka ninkii ku soo afnaqa qaa dil iyo dacas oo isagaana ka gardaran.

    Waan ognahay oo Soomaaliya xaafaday noqotay, marka suurtagal maaha in nin xaafaddisa kuu shaqaalaystay aad ligligga kula dhagto.

    Dhooboow, laguri illaa meesha ugu danbaysa oo markaad nihaayadda soo taabatana isugu keenkeen Muqdisha insha Allah. Rag badan oo nihaayadda soo taabtayna waa kaaga horreeyaane. Laakiin illaa meesha ugu danbaysa dagaallan

  4. Midnino Maakhir State says:

    Maamulkii Pland Wuu dhacay
    Waxa Maamuli Meesha kamajiro
    Marhadiii Madaxtooyadii weerartay
    Baarlamaanka.
    Maamulkaasi Wuuu Dhacaaay
    Amaankii Meelkasta faruhuu kabaxay
    Anana Nabad iyo Nolol baanahay
    Dhaqaalahayaagiii waa uptodate
    Maamulkaasina waa Fashilmay sidii Sland
    Bue bye

  5. shire says:

    Dad badan ayaa u baahan “psychiatric help” ooy ka mid yahiin wax matarayaal. Beesha Warsangali iyo Beesha Dhulbahante isku miisaan maaha isku albaabna maaha.

  6. shire says:

    Beesha Warsangali waa mubaax! Beesha Dhulbahante waa mubaax! Gobolo qaas ah ayey labaduba leeyahiin. Shaqsiyaad ka kamidka ah labada beelood maaha iney qaadaan culeys weyn ood iyaga ka badan hadeyse ku dhiiradaan iney culeys ka badan qaadaan shaqsigaas unbaa dhici. Waa kaas.




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...