600 War Deg Deg Ah:Ismaamulka Tigree-ga Oo Shaaciyay War Ka Nixiyay Raysal Wasaare Abiy Axmed, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ismaamulka Tigree-ga Oo Shaaciyay War Ka Nixiyay Raysal Wasaare Abiy Axmed,

Ismaamulka Tigree-ga ee dalka Itoobiya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen markii koowaad waxay si cad uga hor yimaadeen ficilada ay wado Xukuumadda Faderaalka ee dalkaas, oo ay sheegeen in looga gol leeyahy burburinta dawladnimada Itoobiya.

Kulan maalmo u socday madaxda Xisbiga Tigree-ga dalka Itoobiya oo soo dhamaaday ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 14 bog, kaas oo ay badankiis kaga hadleen arrimaha ay wadaan Xukuumadda Faderaalka.

Qorshaha lagu burburiyey Xisbigii ay afarta qowmiyadood ku mideysanaayeen EPDRF, ayay sheegeen in ay halis ku tahay daganaanshaha dalkaas, waxay sheegeen in ladoonayo in meesha laga saaro nidaamka Faderaalka.

Tigreegu waxay sheegeen in Xisbiga la asaasay ee ay hoggaankiisa kala qeybsadeen Oromada, Amxaaradda iyo Soomaalida ay ka dhigan tahay ficilo aan sax aheyn, waxayna sheegeen in aysan qeyb ka noqon doonin.

Doorashada soo socda walaac bay ka muujiyeen oo ay sheegen in ay hadda isku diyaarinayaan kooxo ay ku eedeeyeen in ay ka soo horjeedan Midnimada Itoobiya oo ay ula jeedaan Ismaamulada dalka qaarkood.

Dhawaaqa ka yimi Makhale ayaa kusoo beegmaya xili Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu helay Biladda Nabadda Aduunka, sidaas oo kalena uu bilaabay howlgalo xoog leh oo uu ku jabinayo xeyndaabyadii ay dhigtay kooxda Tigree-ga, isagoo ka guuleystay lix isku day oo ay sameeyeen kooxdaas.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. HILLAAC says:

    Bismilla,

    Maamulka Tigreegu sida PL bay ugu cagajugleeyaan Federaalka Ethiopia, hooyadii federaalka. Kaaga darane, iyagaa Soomaaliya federaalka ku soo dhextuuray oo PL u soo mariyay. Aad baanan ugu diirsanayaa in Waqooyiga Ethiopia uu maanta xukunkii farahooda ka sii baxayo.

    Marka loo eego ka hor imaanshaha xukunka Oromada, waxaa keliya oo haray waa Amxaaro oo is gaabinaysa. Amxaaro marrabto in ay Oromo xukunto Ethiopia. Mar aan fogaynna bareerahooda way caddaysanayaan sida Tigreega laakiin hadda isma muujinayaan oo waxa ay isku eeganayaan Oromada iyo Tigreega si ay uga dhex faa’iideaystaan.

    Soomaalida halkaa ku dhaqan maxaa la gudboon marka? Mise waa nagu kala dara? Maxaa qorsha a oo ay hayaan?

    Midda kale, haddii Ethiopiyoo dhammi isku bahaystaan Tigree irbad caaraddeed kama qaadi karaan. Waayo hubkii, dhaqaalihii, warshadihii iyo wax walba oo dhan waxay geeysteen gobolkooda. Way ku sii talagaleen oo waana niman talo midaysan leh.

    Markii ay talo dhanaanaantona iyaga iyo Ereeteriya wax diidaya ma jiraan in ay xulufo noqdaan, waayo siyaasaddu saaxiib joogta ah maleh ee dan joogta ah bay leedahay. Ereteriyana danteedu kuma jirto Itoobiya awood leh oo khatar markale gelin karta jiritaankooda.

    Isku soo wada duub, way iska muuqatay in Itoobiya kala galbanayso maaddaama ay Oromo oo xukunka laga ilaalin jiray maanta gacanta ku hayso. Welina laysma gaarin oo doorashadaa si fiican loogu kala miirmayaa, tani waa hordhac uun. Waa aragtidii MAKHAAKH-LAND

    • ilyaas says:

      Hilaac(aw-makhaakh-land)intaanad ethiopia oo qawmiyado la isku dhadhabay ah,intaanad ina gaarsiin,reerkiina kaligii taliyihii soomaaliya isku taagay oo uu jugta xun idin gaarsiiyay,maxaa soomaali ooga cararaysaan,waayo xamar ba 20 sano ayay is dilaayeen,gacmaha ayayna hada is haystaan. ethiopian kala cararaya waan ku farxaayaa,saa adigii aan wada dhalanay ayaa iga ordaaya.

  2. Guulwade says:

    Jegaanta say faanka u wadaan weeye. Oo kale. Cayda kibirka faanka. Sool qabsasho. Qaran beena. Habar yonis. Xasuuq. Daan daan si. Sanaag bari. Isku taag puntlabd. Kibir heeso. Degaan aysan lahayn sheegasho. Onlf gadeen. Muqdsho cayeen bisada hargasa kafiican. Dadka muqdsho. Taani cayay dhulbahante. Waa waxay isku dhahajiyaaan tigreega jegaanta. Iga oo somali kacararaya. Citiraafka beenta caalamka diiday. Kinya isku dhadhajiyaan. Xisbi 2 beleed jegaanta. Wax walba Anaa leh. Mujaahid beena muslim dilay. Jegaanta kuwii kacankii ushaqeeya gesiyaal kuwii majeerteen xasuuqay mujaahid iin. Ashabaab tageersan. Wajaale hubka ashaab lagu qabtay ethiopia uwadeen sheegtaan dadkale dhulkooda.




script>
KULANKA SADDEXDA MADAXWEYNE
- Nov 20, 2019
Kulan siyaasadeedkii ugu muhiimsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa maanta lagu wadaa ...
Deg Deg Daawo:Xildhibaan Sakariye Oo Si yaab Leh uga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyata,
- Nov 20, 2019
Muqdisho{ Khaatumonews } Dhawaan ayay Ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha ...
Daawo:War Culus Oo Ka Soo Kordhay Cali khaliif”Waraysi Xiirey”
- Nov 20, 2019
Masuul kamid ah Kooxda Dr Cali khaliiF galaydh Islamarkaana ku sugan Dalka Mareykanka ...
Daawo: Fadeexaad Ka Dhacday Laascaanood Oo Maanta.
- Nov 19, 2019
Iyadoo maalin walba Gudaha laascaanood ay Maleeshiyaadka Isaaq ku Kufsanayaan Haweenka Gobolka islamarkaana intaasi ...
Daawo:Buur Madow Oo Shaaciyay War Quus Ku Ah Beelaha Garxajis,
- Nov 19, 2019
Boqor Buurmadow oo kamid ah Isimada Beesha Habar Jeclo ayaa shaaciyay war ku ah ...