600 Maxay Ku Heshiiyen Xukumadda Farmaajo iyo Kenyadii Bad iyo Cirba Jiidhay, | khaatumo news online
dahabshiil

Maxay Ku Heshiiyen Xukumadda Farmaajo iyo Kenyadii Bad iyo Cirba Jiidhay,

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan ayaa ku heshiiyey qodobo muhiim u ah labada shacab.

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani oo kulan ku yeeshay magaalada Washington ayaa isla gartay in muranka Badda uusan saameyn howlaha gargaarka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale waxa ay ku ballameen labada wasiir in ay ka wada shaqeyn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado, si uusan markale u dhicin khilaaf diblumaasiyadeed.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kadib shirka miiska wareegsan ee Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IMF ayey wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda labada dal oo salka ku haya dhul Badeed dhan 150,000 oo KM ayaa waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac, kaas oo ka sii daray, markii ay dowladda Kenya qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya.

Dacwadda Badda oo haatan ka furan ICJ ayaa dib loo dhageysan doonaa 8-12 June ee sanadka 2020-ka, iyadoo muddo laba jeer dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid Kenya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacayo Dhimasho iyo Dhaawac
- Nov 12, 2019
Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay ...
Daawo:Madaxweynaha Kenya Oo Bahdilay Farmaajo Una Diray Wasiiro,
- Nov 11, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nairobi ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Jabhada Awdal Oo Fariin Kulul Udiray Muuse Biixi,
- Nov 11, 2019
Waxaa Duleedka Magaalada Boorama Ku Soo Bandhigay Cududa Ay leeyihiin Jabhada Ka dilaacday Gobolka ...
Deg Deg Daawo:Sheekh Shariif Oo Dhaar Ku Maray Inuu Xamar ka Saraayo Farmaajo,
- Nov 10, 2019
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ...
Daawo:Widh Widh Oo Siweyn Xuska Dhalashada Nebi Mohamed N.N,K,H Looga Dhigay
- Nov 10, 2019
Waxaa Magaalada Widhwidh Ee Gobolka Cayn ka dhacday Munaasibad Balaadhan oo Loogu Dabaaldagaayo Xuska ...