600 Deg Deg Daawo:Weftiga Midowga Yurub Maxay kala Hadlen Muuse Biixi, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Weftiga Midowga Yurub Maxay kala Hadlen Muuse Biixi,

Hargaysa{ Khaatumonews }Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Midowga Yurub iyo Sweden ee u qaabilsan dalka Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. Staffan Tillander.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadlay dar-dar gelinta iyo adkeynta xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya labadaasi dal iyo maamulka Somaliland, gaar ahaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha manqadda Geeska.

Waxa sidoo kale kulankaasi lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoowi lahaa qabsoomida doorashooyinka maamulka Somaliland ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo mudooyinkii dambe uu muran badan hadheeyay.

Labadan dal ayaa waxay ka mid yihiin dalalka beesha caalamka ee sida aadka ah u daneeya doorashooyinka maamulka Somaliland, isla markaana ka qeyb qaata doorkooga taageero ee ku wajahan hanaan socodka dimuquraadiyada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Ali says:

    Looma dhama,Marhadii Fariidkii Dr Faratoon Kamaqan yahay. Fadaraalkiyo Farmaajo waxa kasoobaxa Siday kuogaan?

  2. Hassan says:

    Soomaaliland way kaga magac iyo meeqaam saraysaa indhaha dhamaan beesha caalamka Soomaaliya. Derdergalintan cusub ee AY EU-da iyo Sweden

  3. Hassan says:

    Soomaaliland way kaga magac iyo meeqaam saraysaa indhaha dhamaan beesha caalamka Soomaaliya. Derdergalintan cusub ee ay EU-da iyo Sweden sare uugu sii qaadeen xidhiidhkoodii iyo wada shaqayntii markii horeba wacnayd ee ay la lahaayeen jamhuuriyadda magaca wayn ee Somaliland waa guul kale oo taarikhiya oo maanta u soo hoyatay dalka ummadda iyo dalka Somaliland.

  4. HILLAAC says:

    IYAA, ina Waraabaa sheegay nimankan gibilka cad waxay meesha u tageen.

    Waxay ina Biixi ku yiraahdeen maxaad horta mar la arkaba isla QAAWISAA?! Waa sida uu Feysal yiri.

    Kol hadduu durdur iyo dabbaalba galo Muuse waa Muusihiisii. Jabhad waa jabhad.

    Waar Isaaqoow Carabtiinnaa iyo caddaankiinnaa iska dullaala oo annagana hanna illaawina illeen idinka tegiwaynay e.




script>
Deg Deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacayo Dhimasho iyo Dhaawac
- Nov 12, 2019
Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay ...
Daawo:Madaxweynaha Kenya Oo Bahdilay Farmaajo Una Diray Wasiiro,
- Nov 11, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nairobi ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Jabhada Awdal Oo Fariin Kulul Udiray Muuse Biixi,
- Nov 11, 2019
Waxaa Duleedka Magaalada Boorama Ku Soo Bandhigay Cududa Ay leeyihiin Jabhada Ka dilaacday Gobolka ...
Deg Deg Daawo:Sheekh Shariif Oo Dhaar Ku Maray Inuu Xamar ka Saraayo Farmaajo,
- Nov 10, 2019
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ...
Daawo:Widh Widh Oo Siweyn Xuska Dhalashada Nebi Mohamed N.N,K,H Looga Dhigay
- Nov 10, 2019
Waxaa Magaalada Widhwidh Ee Gobolka Cayn ka dhacday Munaasibad Balaadhan oo Loogu Dabaaldagaayo Xuska ...