600 War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad

Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ayaa heshiis la galay Xukuumada Bashar Al Assad oo uu horey dagaal uga dhaxeeyey.

Heshiiskan ayaa qoraya in Xukuumada Bashar Al Assad ay ciidamadeeda keento Waqooyiga Siiriya halkaasi oo ay horey uga talin jireen xoogaga Kurdida oo 4tii maalmood ee lasoo dhaafay dagaal xoogleh kula jiray ciidamada Turkiga iyo xulafadooda oo gudaha usoo galay gobalada waqooyiga.

Ciidamada Turkida oo ay gacan siinayaan maleeshiyaad u badan Carabta Siiriya ee mucaaridka ah ayaa la wareegay goobo muhiim ah oo ay ku jiraan magaalooyinka Tal Abayad iyo Magaalada Ras Al-Ayn, waxay sidoo kale ciidamadan qabsadeen Wadada weyn ee isku xirta Galbeedka iyo Bariga Siiriya.

Dhaq dhaqaaqa Kurdida oo aan u babac dhigi karin cududa militari ee Turkiga ayaa ka codsaday taageero Dowlada Ruushka oo kula talisay inay la heshiiyaan Xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Hadii ciidamada Bashar Al Assad ay soo galaan waqooyiga Siiriya waxaa meesha ka baxeysa qorshihii ay ku haminayeen Kurdida oo ahaa inuu sii jiro Ismaamulkooda Waqooyiga Siiriya, balse waxaa xiligan uga weyn cabsi ay ka qabaan xasuuqa uga imaan kara Turkida oo uu ka dhaxeeyo dagaal taariikhi ah.

Dhulka Waqooyiga Siiriya ayaa ah mid muhiim u ah Dowlada Bashar Al Assad maadaama ay ku yaalaan xarumaha shidaalka laga soo saaro, halka Turkida ay dooneyso inay cagta mariso xoogaga Kurdida oo ay ka cabsi qabto in maamul ay ka dhistaan Waqooyiga Siiriya ay sii dhiiri geliso Malaayiinta kale ee Kurdida ku nool gudaha Turkiga oo iyaguna gooni u goosad ku dhawaaqa.

Militariga Turkiga ayaa hawlgalkooda bilaabay asbuucii lasoo dhaafay kadib markii is-afgarad dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan lagu heshiiyey in Ciidamada Maraykanka ee gacanta siin jiray Kurdida Siiriya dhulkaasi laga saaro taasi oo wadada  u baneesay in Turkiga uu xoog kusoo galo dhulka Kurdida maamusho ee wadanka Siiriya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Dagaal Ka Dhacay Gaalkacayo Dhimasho iyo Dhaawac
- Nov 12, 2019
Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay ...
Daawo:Madaxweynaha Kenya Oo Bahdilay Farmaajo Una Diray Wasiiro,
- Nov 11, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nairobi ...
Deg Deg Daawo:Ciidanka Jabhada Awdal Oo Fariin Kulul Udiray Muuse Biixi,
- Nov 11, 2019
Waxaa Duleedka Magaalada Boorama Ku Soo Bandhigay Cududa Ay leeyihiin Jabhada Ka dilaacday Gobolka ...
Deg Deg Daawo:Sheekh Shariif Oo Dhaar Ku Maray Inuu Xamar ka Saraayo Farmaajo,
- Nov 10, 2019
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho warbaahinta kula hadlay xilli uu ...
Daawo:Widh Widh Oo Siweyn Xuska Dhalashada Nebi Mohamed N.N,K,H Looga Dhigay
- Nov 10, 2019
Waxaa Magaalada Widhwidh Ee Gobolka Cayn ka dhacday Munaasibad Balaadhan oo Loogu Dabaaldagaayo Xuska ...