600 Deg Deg Daawo:Weftigii Kenya Oo Gaadhay Kismaayo +Xaguu Ku Danbeeyay Markii Xalay ee Xukumada Somalia! | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Weftigii Kenya Oo Gaadhay Kismaayo +Xaguu Ku Danbeeyay Markii Xalay ee Xukumada Somalia!

Wafdi uu  horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta.

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka saartay hawada Kismaayo.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka digtay Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda  xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii loogu doortay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Nofaqsh says:

    Meesha siyasad baa la isku hayaa Axmed madoobe somali waa u hiilsey 99.99% Farmajo magaca dawldimada somali waxba kumaad keenini hawada uun baad ka xidhey dadkaagi doqan gawsa weyn walahi besha calamka naxris kuma hayaan lakiin waay kuu gogaal badniyaan dhawan dron baay kugu dil kama xoogweyn libaaxyadi addunaka Sadam Hussen Qadaafi adiga waabey ku ilaashan kuwaa maay ilaalin jirn bye bye Farmajo ma beesha calmaka drone kugu dil mise somali baa dhagax kugu dili jaalle Guuxaag waad ka dheersey cid ku washey ma garanyo inkasoon ogey waa quwadshisheeye waliba xoog weyn lakin dilkaaga qayb ka qadanasyaa hadanaa sidey caadu aheyd ama taariikhda iyga kolba qolda watadaa siyasad shacbkey taageran at end

  2. Xaaji xarago says:

    Fuck fermaajo….hooyadii miyaa wadanka dhadxal u siisay. ..markuu magtaalo hawada ka xiraayo

  3. Warsame says:

    ĶKKKKKKKKKKK KUWAN FARMAJAY kags dhegtay waar ninkani kufkiina ma ahee haku daalina Kkkkkkkk sheekadiina dhuuso-quraar baa layidhaahaa waa mid aan cidna waxyeelayn cidna wax ku kordhinan waar afka dabasha ka qarsada oo daaya madaxwaynaha sharta leh cidiyo aydaan la gaadhayn gidaarada hakaga qarf qarafsiininee.

  4. FAQASH BAACSADE says:

    CAGDHEER WAY DAL BALLAADHSADEEN

    WAAR MUQDISHO IYO JAWHAR NA CAGTA MARIYA.

    MAREEXAAN
    WAA NAAGAYSATEENE.

    @ hadii aanan dhulkaygoow SOMALILAND.com

  5. HILLAAC says:

    Bismilla,

    Bandhig faneedkii kooxda HEEGO maa bilaabmay?

    Ninkan ina BARRE DUCAALE waxba yaan lagu daalin, waa nin SANGADHUUDHI haysto oo garab inooga baahan. Waana ninkii lahaa badda iyo kismaanyo aan xoog ku qabsanno.Inta intaa kuwii haystay (his masters) ay uga dabatageen bay yiraahdeen intaasi naguma filna ee baarlamaanka nooga bax Kenyan matihide laangaab yahaw.

    Waakan dee haddana isa soo qaaday in weli shuruudihii maadan buuxin baa lagu yiriye.

    Yuusuf Xaajina waa nin asal ahaan SAWAXILI ah oo reer MOMBOSA ah, kaa kusii dheeraan mayno.

    Waxaa kuu soo haray Faarax Macallin; ninkani waa ninkii markuu ku magacawnaa baarlamaan ku xigeenka KUUKUUYADA horboodayey ciidamada Kenya ee qasabka ku galay Soomaaliya siday maantaba qasabka ugu galeen.

    Markii xilkii laga qaaday uu gumaystaha u hayey buu maalin kasta soo fariistaa shaashadaha isagoo iska dhigaya nin nasteex Soomaali u ah. Marna waxa uu tagaa Muqdisha marna Hargeysa marna Jigjiga; waa BASAAS Kenyawi ah ee ninkaa hallaga digtoonaado oo yaan lagu sirmin khiyaaliga uu meelahaa ka akhriyo iyo is bihinbihinta.

    Intoodaasba dadkoodaa lagu hor garaacaa (Garissa) markii la doono oo waxba kama qaban karaan. Marka, haddii ay dad waxtarayaan ISBAARADA Gaarisa taallay iska qaadi lahaayeen oo dadkooda lagumeeyey bay wax u qaban lahaayeen.

    Waxaan kaloo la yaabay maxaa warbixinta hanti-dhawrka loogu soo beegay xilligan uu baarlamaanku furmayo oo ay arrimo xasaasiyi taagan yihiin?!

    Ma in lagaga mashquulo qabsashada Keenyaa loogu soo beegay oo lagu mashquuliyo dadka iyo baarlamaanka hawshan iyada ah.

    Waxaan anigu u arkaa dhagar kale oo laynagu soo dhextuuray si baarlamaanku uusanba uga hadal ceyn wareejiskan waddankiiba lagula wareegay.

    Waan aammin sanahay in hantidaasi maqantahay oo waa laqabaa hanti-dhawrka laakiin in dib loo dhigay ahayd oo wakhti kale la soo bandhigo.

    Waxaan marka ugu baaqayaa baarlamaanka in ayna hadda ku mashquulin arrinka lunsashada xoolaha dadweynaha ee ay dib u dhigtaan baaritaan dheerna ku sameeyaan oo ayna marnaba kaharin.

    Waxa aan ugu baaqayaa in arrinka Kenya meel la saaro; wax haray majiraan dawladina majirto wakhti xaadirka. Yaad xukuumad iyo baarlamaan u tihiin haddi waddankiiba hortiina lagu kala boobay oo aydaan ka hadli karin?

    GURMADOO KA KACAAY DHEREG NOO MA EKEE.

    Idinkay dadku idin dhowrayaan bal halkaad wax marisaan. Haddii aad Kenya waddanka si degdeg ah uga saari weydaan illeen idinkaa la idiin soo maray markii danbe e, shiid baa la idiin kaga saarayaa Muqdisha, kuna laabta waddamadaad baasaboorada ka wadateen.




script>
Liiska Madaxweynaha Farmaajo u raaci lahaa Hargeysa oo la helay .
- Feb 17, 2020
Waxaa Goordhaweyd soo gaadhay shabakadda Khaatumonews liiska xubno u raacilaha Magaalada Hargayusa ...
Daawo:Farmaajo Hadii Uu yimaado Hargaysa waa La jarjaraya’
- Feb 16, 2020

War Deg Deg Ah Daawo:Dawlada Somaliya Oo ciidan Keenaysa Gaalkacayo iyo Puntland Oo Dagaal Ku Hanjabtay,
- Feb 16, 2020
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo saaka wareysi siiyay ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ugu Danbayn Somaliland Oo Cadaysay In Uusan Farmaajo Hargaysa Imaan Karin.
- Feb 16, 2020
Maamulka Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku ...
Daawo:Faysal Falaalug Oo Buuhoodle Soo Gaadhay iyo Saraakiisha SSC Oo Soodhaweeyay.
- Feb 16, 2020
Hogaanka sare ee Jabhada Ssc Col.Cabdirashiid Xuseen Cali Iyo Saraakiisha Ssc Ayaa Maaanta ...