600 Daawo:Kismaayo Faroole”Waa Loo Tashanaya Farmaajo”” | khaatumo news online
dahabshiil

Daawo:Kismaayo Faroole”Waa Loo Tashanaya Farmaajo””

Madaxweynihi hore ee Puntland hadda ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faroole ayaa sheegay inuu yahay nin ka war qabo marxalidihii ay soo martay Jubbaland, wuxuuna sheegay inay Dowladda Soomaaliya ka baxday heshiisyo ay la galeen Axmed Madoobe oo uu ugu dambeeyey midkii ay soo saxiixeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin.

Faroole ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib u heshiisiin qabto ka hor inta uusan xilka ka tagin, taas haddii laga waayana ay noqon doonto inay inta kale isaga u heshiiyaan.

“Inta aadan tagin dib u heshiisiin sameey, haddii aadan heshiisiin, inta kalaa heshiinaya ama adiga ayay ku heshiinayaan” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed.

“Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 7)

  1. yusuf says:

    wuu iska hadlay. shacab ku uma baahna way arkaan waxa saxda ah. shisheeye adiga hakugu shaqaysto dheh. shacabku way arkaan cidda xaqqa u taagan..allah ku dufee…waa 80 jir oo uu ka shaqyan waxaas. somali way dhaqaaqday loona joojin maayo war lord danbe …..

    • Mo says:

      Yusuf

      Farmaajo waa ku daayey ee haku daba habsaamin.
      wuxuu noqday ma gudbe aan waxba soo kordhineyn. bal is wayddii wuxuu qabtay, oon ka ahayn inuu burbur ugu dhaqaaqo wixii yaraa ee dadku dhisteen !!! waa nacas lagu khasaaray!

      Isagoo ceebaysan buu meesha ka tagi.

      Viva Somaliweyn.

  2. yusuf says:

    shacab ku dawlad buu rabbaa…dib u hesheen looma baahna waayo shacab ismaba hayaan awoowe…siyaasi xanaaqsan cidna u joojin mayso

  3. Shire says:

    Farmaajo iyo kheyre dalka Somaaliyeed iskama ey laha! Farmaajo waxaa ku shaeysanaya. waa qabiilka hawiye ee doonaya iney Somaaliya waxa layiraahdo iyaga yeeshaan

  4. LAFARUUGAAWI says:

    Madaxweyne
    Madaxweyne

    WAAR
    MASAAKIINTIINA u tudha .!!

    @ horumarka SOMALILAND.com

  5. Oday says:

    Faysal dhurwaa khudbadiisii aaway




script>
Somaliland Oo Durba Bilowday Dhaqan Galinta Heshiiskii Addis Ababa Ee Farmaajo, Abiy Axmed, iyo Muuse Biixi Wada Galen,
- Feb 26, 2020
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Horjoogaha Maamul beeledka Somalialnd Muuse ...
War Deg Deg:Puntland Oo Qabatay 50 Askari Oo Beesha Isaaq Ah dagaalkii Saaka ee Sanaag,
- Feb 26, 2020
War qoraal ah oo sida la sheegay kasoo baxay Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland, ...
War Deg Deg Ah:Beesha Isaaq Oo Soo Weerartay Saaka Deegaanka Kalgubataale,
- Feb 26, 2020
Maleeshiyaad ka soo jeeda beelaha Isaaq ayaa saaka soo weraray Kal- Gubataale , oo ...
Daawo:Dhaanto Caleema Saarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali,
- Feb 26, 2020
Shabakadda Khaatumonews Waxay halkan idin kusoo Gudbinaysa muqaalka dhaanto cajiib ah oo loogu ...
War Deg Deg Ah:Beesha Caalamka Oo War Culus Ka Soo Saartay Doorashada Soomaaliya,
- Feb 26, 2020
Beesha Caalamka ayaa War Cusub kasoo saartay Doorashooyinka la filayo in dalka Soomaaliya ay ...