600 War Deg Deg Ah:Dawladda Somaliya Oo Caawa Mar kale shaacisay Go aan Cusub Kismaayo, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Dawladda Somaliya Oo Caawa Mar kale shaacisay Go aan Cusub Kismaayo,

Hay’adda Duulista Rayidka Iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso duulimaadyada tooska ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo.

Warqadda kasoo baxday qeybta adeegga akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda ee FIS, oo ay heshay warbaahintu ayaa lagu yiri “Dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo waa la mamnuucay.”

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho.” Ayuu qoraalka intaas ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo, mana jirin wax qoraal ah rasmi ah oo go’aankaas lagu beddelay oo dib uga soo baxay. 5-tii bishan ayaa waxaa amarkaas jebiyey diyaarad ka timid Nairobi oo tagtay Kismaayo.

Qoraalkii hore ee dowladda ayaa ahaa mid guud, hase yeeshee qoraalka caawa soo baxay ayaa waxaa ku cusub in si gaar ah loogu xusay duulimaadyada ka imanaya Kenya.

Dad xog-ogaal ah oo la hadlay Khaatumonews ayaa sheegay in go’aanka caawa looga dan leeyahay in lagu baajiyo wafdi ballaaran oo ka imanaya Kenya, si ay uga qeyb galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, ilo-wareedyo kale oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in wafdiga Kenya laga yaabo inay qaataan diyaarad militari maadaama ciidanka Kenya ay ku jiraan Amisom, islamarkaana diyaaradaha militari aysan hoos tagin hay’adda duulista rayidka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. HILLAAC says:

    Bandhig faneedkii Kismaanyo xaguu maraayaa usagu kkkkkkk iyaa.

    Wacadee inuu Farmaajo diric diric dhalay yahay, bir qalax oo dhan god kuu ka soo saaray.

    Miyaad aragtay Ogaadeenkii oo Muuse suudi xanbaarsan kkkkkkkkk nin daad qaaday xunbo cuskay baan malqi jidhay.

  2. Binary Operation says:

    anigu waxaan aaminsanahay in maamulka farmaajo god madow ku wado nabada wixii la isku odhan jiray italian somalia ee federal deal ka wada dhigtay. in kastaanan jeclayn inaan ka hadlo problems ka somalia anigoo reer somalilander ah.

    laakiin farmaajo kolkaan hab dhaqanadiisa u fiirsaday, waxa iiga muuqata inuu reer kismaayo kula dul dhacay cadho aanay galabsan.

    maamulka farmaajo kadib isku dayo dagaal oo siyaasadeed oo uu somaliland ku hayay waxay natiijo u dhashay guul daro quus iyo jab.

    kolka cadhadii uu halka kasoo qaaday wuxuu ka jaray reer kismaayo wuxuuna kula dul dhacay reer kismaayo.

    nin quus ah oo cadhaysan waxuu kula dul kufa cadhadiisa nin kaloo war la. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




script>
Daawo:Xildhibaan Dalxa Oo Waraysi Kulul Laga Qaaday,
- Jan 25, 2020

Deg Deg Daawo:Axmed Karaash Soodhaweyn Sare usameeyay Isimada Jig-jiga,
- Jan 25, 2020
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Pumtland Axmed Karaash ayaa Qado sharaf u sameeyay ...
Maamulka Puntland Oo Hakiyay Xil Wareejin Dawlada Somalia Kawaday Garoowe,
- Jan 25, 2020
Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ...
Daawo:Maydad Laga Soo Guraayo Dhismayaal Ku Dumay Dhul-gariir kii Turkiga,
- Jan 25, 2020
Illaa 18 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib dhul ...
Daawo::Ciidanka Dawlada Somalia Soo Qabtay Aabe wiilkiisa Ku Gowracay magaalada Jowhar
- Jan 25, 2020
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in nin ...