600 War Deg Deg Ah::Siciid Deni Oo Hada U Duulay kismaayo iyo Fashilka Hadheeyay Xukumadda Nabad iyo Nolol, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Siciid Deni Oo Hada U Duulay kismaayo iyo Fashilka Hadheeyay Xukumadda Nabad iyo Nolol,

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda kadhoofay magaalada Boosaaso, isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo, waxaana wafdigiisa kamid ah xubno katirsan Golayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland waxaa socdaalkiisan ku wehliya qaar kamid ah Senatarada baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaana Cabdiraxmaan Faroole oo ay diyaaraddu ka qaadi doonto magaalada Garoowe.

Diyaar garowga soo dhaweynta wafdigan ayaa kasocota magaalada Kismaayo, waxaana la adkeeyey ammaanka guud ee magaalada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusugan gudaha garonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Ugu Danbayn Diyaarada madaxaweynaha ka qaaday Boosaaso, ayaa ah diyaaradii Jubaland soo iibsatay ee xukumada Fadaraalku ku sheegtay in ay Ku Xayiran tahay Kismaayo islamarkaana aysan samayn karin duulamaad danbe.,

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 9)

  1. Eege says:

    Kkkk
    Adaa Dulman oo lagu doodayey Nacas, xageese Jubba land diyaarad Ku iibsatay caqligaaga baa intaas le’eg yaa Nacas LA Haysto , Awal bahararsame Iyo Qayaad isku dirkoodi baad ka adkyd .war orod wax samayso rag adoo kale ah wax ay leeyihiin ha ka sheekayne

  2. LAFARUUGAAWI says:

    Kkkkkkkkjjijijiji

    FAQASHEEY FIRIRIG

    @ shaqo qaran SOMALILAND.com

  3. Yaab says:

    Ninkaan maxa ka qaldan war orod shaqoyeeli

  4. Guulwade says:

    Diyardaha idoor kirada kaqato ee somaliya wareega. Waa laga daba iman. Idoor somali marabno. Oyo waan ka dhex ganacsan ma soconay so kkkk jegaanta waxwalba waan kaxumahay puntland muqfsho jubaland. Kkkk guu axmad madoobe. Walee isagaa madaxweynaha ka ah mesha. Galmudug baa yabtay wali waa sided ee. Shirarka.iyota cab. Khasaray jubaland shaqa laga dhigtay. Axmad madoobe guul shacabka jubaland tageeray.

    • Xaaji xarago says:

      Ma mareexaan baa wax ka qaadi karra ganacsiga iidoor….hhh….orod cabudwaaq…qabo wixii kuugu yimaada qabqabso….laakiin ganacsiga iidoor wuxu joogaayaa xamarr hooyadaana ma taaban karrto hhhh miskiiin

  5. HILLAAC says:

    Bismilla,

    Isha dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa maamulka SSDF waa BOOSAASO.

    Waxaa ii muuqata Boosaaso oo laga jaray Qardho, Garoowe iyo W. Gaalkacyo. Sida uu Madoobe go’doonka isugu galiyey Kismaanyo, buu Denina isugu galindoonaa Qardho iyo Garoowe haddii aysan bulshada ku nool mandaqaddu iska qaban AARAN JAAN.

    Tan kale, aad baan u bogaadinayaa siyaasadda Villa Somalia ee ku wajahan maamul goboleedyada iyo kala hufka.

    Waxaan idin leeyahay halkaa ha uga dabcinnina oo halla kala miirmo, bur iyo biyo halloo kala baxo. Khaa’inul waddan iyo basaas oo dhan banaanka soo istaajiya oo godka ka soosaara. Dhulukh dhulukh bay baratay.

    Haddii hal maamul goboleed soo harayana waa in aad sidaa kuwaddaan (no turning point).

    SOOJEEDIN:

    Waxa aan u soo jeedinayaa madaxda dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed in aad soo dhowaysaan Dr. Galayr oo aad dib boodhka uga jaftaan maamulkii KHAATUMO ee dawladihii hore godobta uga galeen. Maanta Xamar buu joogaa ee habeeya odayga.

    Khaatumo way buuxisay shuruudihii maamul. Haddii la yiraahdo caasimaddiiba waa laga haystaa oo waa haad geed waayey, adeer idinkuba xagaad haysataan.

    Waxaad joogtaan Villa Somalia oo sangadhuudhigu idinku waardiyeeyo hadana dawladnimaa la idiin oggol yahay, maxaa marka diidaya in Khaatumana sidaa loogu arko ee shuruudda looga dhigayaa itaal yarida. Hadii idinkaba la idiin aqoonsanyahay dawlad idinkoo itaalkaa leh, maxaa iyaga diidaya in intooda lagu aqoonsado.

    Tankale ee aan soo jeedinayaa waxa weeyaan in ururka Afrika iyo QM loo gudbiyo qoraal looga dalbanayo in ciidanka Kenya laga saaro ciidda iyo biyaha Soomaaliya oo ayna magdhaw ka bixiso hantidii ay ka burburisay dadka shacabka ah sida isgaadhsiinta.

    Midda saddexaad, waa in ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha rayidka ah la baaro kaadidooda si looga baaro in ay mukhaadaraadka QAADKA iyo daroogooyinka kale isticmaalaan. Qofkii lagu helana shaqada laga saaro; xukuumaddu waa in ay soo jeedisaa oo baarlamanka hordhigtaa si qodob dastuuriya looga dhigo.

    Waxaad maqalaysaa iyadoo la leeyahay khamri intaasaa la qabtay oo daroogooyin baa la qaabtay, QQADKIINA kilkishaa lagu wataa. Sidee labadaasi isu qabanayaan, haddii uusan qaadku daroogo khatar ah ahayn Marayka iyo Yurub lagama mamnuuceen.

    Qolada Villa Soomaaliya, hawsha meel fiican baad ka waddaan intaa korena hallagu baraarug sanaado. Wbt

  6. Dhiirane says:

    Kan qora khatumo qoraalkiisoo dhan waa koobi wlhy caqli uu war kuraadiyo malaha bal ufiirsada qoraaladiiso Dhani wuxuu kakobiyaa. Casimada. Ama dahir alasaw ama all banadir kkkkkkk
    Social media xaal baan siiyay ama maga weriye xaalqaata

  7. Isukeene ehel says:

    Asalaamu calaykum waar horta ma qabiil baynu ka fikirnaa mise qaran waar waxaynu nahay dad isku af ah isku midab ah isku diin ah intaa xagaynu u dhaafnaa anigu waxaan aaminsan ahay in soomaali isku meel ka wada timid nimamkaa aynu leenahay weynu ka nimid waxay ahaayeen uun sheekhyo quraanka iyo diinta dadka u dhigayey sidii aabo loo lahaa ayaa la yidhi waanu ka nimid soomaalidu seddex caado iyo dhaqan xun ah ha iska daayaan midi Waa dadka la yasayo ee la leenahay bakhti Bay mar cuniin imisa soomaali bakhti dibad iyo gudaba ku cunay ayaa jira iyaga maxaa loo guursamayaa ta kale Waa hablaha la gudayo ee dhaqanka xun ah miyaanay ibnu aadan kula mida ahayn ta kale Waa qabyaalada oon laga koreyn xataa kii cilmiga lahaa ku dhaqmayo kulina Waa wax taariikh hore ahaa. Ugu danbayn mushkiladda jirtaa waxaa weeye waddan jacayl aan jirin qofku Kama fikirayo maxaad dhaxal wanaagsan ah ood uga tagtaa jiilalka danbe isaga uun baa iska fikiraya ilaahow na garan sii waddanku wuxuu naga mudan yahay.




script>
Deg Deg Daawo::”Somaliland Dhankasta Markay Soo Oodantay Ayaan IS Casilay”
- Oct 14, 2019
Faadumo siciid Xoghayihii Xisbiga WADANI. ayaa shaacsiay in ay iska casishay xilkaasi ay ka ...
War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad
- Oct 14, 2019
Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ...
Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,
- Oct 14, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Daawo::Sheekh Xasan”Kismaayo Waxa Ka Socda Waa Naag Dhilaysatay Oo Kale”
- Oct 13, 2019
Sheekh xasan deheeye, oo kamid ah Culimada Borama, ayaa Si kulul uga hadlay ...
Deg Deg Daawo::Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kismaayo Tegay,
- Oct 13, 2019
Maamulka Somalialnd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xubno Maamulkaasi kamid ah ...