600 Deg Deg::Jarmalka Oo Ku Dhawaaqay Mallaayin Dollar Oo Somalia U Ku Caawinaayo, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg::Jarmalka Oo Ku Dhawaaqay Mallaayin Dollar Oo Somalia U Ku Caawinaayo,

Dowladda Germany ayaa sheegtay inay Soomaaliya siineyso $73 million oo taageere dhaqaale ah iyadoo ballanqaadday inay xoojineyso xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ambassador Annett Gunther ayaa ballanqaadkan jeedisay xilli uu ka qeybgalayey xaflad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusayey maalinta midnimada ee Jarmalka taasoo uu sidoo kale kasoo qeybgalay ra’iisul-wasaare Kheyrre.

“Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther.

“Kordhintan oo sida mideysan la isugu raacay waxay xoojineysaa kobaca, xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho, Germany waxay ahmiyad siineysaa horumarinta reer miyiga, beeraha iyo maareynta biyaha,” ayey tiri Ambassador Gunther.

Sidoo kale waxaa dhankooda ka hadlay munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gunther waxay xustay in taageeradan muhiimka ah ee ay Germany siineyso Soomaaliya ay ku sharfeyso horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedku wuxuu yahay in la taageero joogteynta dariiqa fiican ee ay Soomaaliya qaadday sannadihii dambe,” ayey tiri Gunther. Xafladdan oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu xusayey 29 guuradii kasoo wareegtay dib u midowgii Jarmalka oo ku beegan 3, Oct 1990.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe “isman odhan Somaliland Sidan Ayay Ku Danbayn Doonta”
- Feb 20, 2020
Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa kusoo laabtay Guduoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka somaliland Faysal cali ...
Deg Dg:Aadan Barre Ducaale Oo Sumeeyay Caruur Agoon ah
- Feb 20, 2020
Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa lagu eedeeyay inuu cunto dhacday u ...
War Deg De Ah:Diyaarad Kenya Leedahay Oo Joojisay Duulimaadkii Muqdisho.
- Feb 20, 2020
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid ah ...
Deg Deg::ilyaz Aadan oo Mag Ka Qaatay Ninkii Laga Reebay Qisaasta.
- Feb 19, 2020
Garoowe{ Khaatumonews }Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii ...
Deg Deg Daawo:Deni Oo War Culus Kasoo Saaray Kulankii Uu La Qaatay Ismacil Cumar Geelle.
- Feb 19, 2020
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada jubuuti kula kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti ...