600 Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,

Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdikariim Khaliif Dhalac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa is casilaadiisa ku sacbabeeyay fara galinta xukuumadda uu ka tirsanaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ay ku hayso dhismaha maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in uu ku qanci waayay sida ay xukuumaddu wax u wado ee faragalinta qaawan ay ugu heydo dhamaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, si gaar ah maamulka uu federaalka ku matalo ee Galmudug.

Qoraal dheer oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Anigoo ah Xildhiban Cabdikarim khalif Cabdi (Dhalac) maanta oo taariikhdu tahay 20.09.20019 waxaan Go’aansaday inaan iska Casilo Xilkii aan ka hayey Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir- kuxigenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.

Sababaha aan isku casiley  waxaa ka mid ah.

  1. Waxaan ku qanci waayey feragelinta Dowladdu ku heyso Dowlad Goboleeyadda dalka Ka jira, gaar ahaan Maamulka Galmudug oo ay hadda ka socoto qaban qaabo maamul u sameyn baal marsan rabitaanka dadka reer Galmudug ‘ iyo Dasturka dalka uyaal.

taasoo keeni karta dib u dhac siyaasadeed, dhaqaale , amni iyo mid hurumarineed.

sidoo  kale waxay keeni kartaa kala fogeeynta labadii gobal ee  ku midoobey dowlad gobaleedka Galmudug Kuwaas kala ah mudug iyo galgaduud.

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa

1 Xukuumada federalka iney ilaaliso

Dastuurka dalka iyo nidaamka federalkanee Somali ku heshiisey faragalintana ay ka daayaan dhismaha dowlad gobaleedyada.

2 Waxaan kaloo ayagana baaq udirayaa dowlad gobaleeda dalka Ka jira iney xil iska saaraan ilaalinta shuruucda dalka utaal oo dastuurku ugu horeeyo Iyo nidaamka federalismKa ee ay ku dhisan yihiin.

3 sidoo kale waxaan kula talinayaa dadka reer Galmudug inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda, Ayna ka fekertaan qofka ay ku aaminayaan aayahooda.

Waxaan ugu horeeyn u mahad celinaayaa R/wasaaraha Xukuummadda mudane Xasan Cali Kheyre ‘ iyo golaha wasirada ee aan saaxiibada nahey mudadii aan wada shaqeyney.

Ugu dambeeyntii waxaan balan qaadayaa inaan ka  shaqeyn doono midnimada iyo wanaaga ummadda soomaaliyeed,  sidoo kale waxaan si dhow ula socon doonaa maslaxada dadka aan ku matalo golaha shacabka” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Cabdikariim Dhalac wasiir ku xigeenkii xanaanada xoolaha xukuumadda Soomaaliya.

Wali wax war ah oo ku aadan is casilaadda wasiirkaan kama soo bixin xukuumadda federaalka ee uu majaraha u hayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. MrSomali says:

    Umada Somaliyed oo Niyadii iyo Rajadii Somalinimo iyo dowlad awood leh oo sharafta Somali ilaalisa u soo baxday .. BARMAAMIJ CAJIIBA oo Somali kala duwan kaga hadashay sida ay ugu faraxsan yihiin Hogaanka Farmaajo iyo Kheyre https://www.youtube.com/watch?v=atROU2rqIis&t=1266s

  2. MrSomali says:

    Umada Degan Lawyacado , Boorama , Buuhoodle , Hargeysa , burco , boosaaso , Gaalkacayo , Muqdisho iyo dhamaaan Somali oo la waydiiyey Dowladeena dhexé ee Farmaajo iyo Kheyre iyo sida ay u ARKAAN iyo Shacabka oo sheegay in ay ku diirsadeen Bal nala Dhagayso oo ku waano Qaado Somaliyeey https://www.youtube.com/watch?v=d1COSW6qJAA&t=42s

  3. MrSomali says:

    Khaatumo news .. markii Farmaajo u diiday dowlad goboled .. markii cali khaliif hilib geel ku wareeray Hargeysa bay isku dhex daateen .. Farmaajo wuxu qabaa Gobolada waqooyi oo isla socda baa la hadlayaa .. laakin waxaba ka soo hormaray Boorama , buuhoodle , hargeysa , burco oo ku faraxsan Hogaanka iyo dareenka Somalinimo ee farmaajo iyo Kheyre .. bal nala daawo barmaamij cajiba oo umada SOMALIYED FROM SAYLAC , BOORAMA , BUUHOODLE, HARGEYSA , BURCO , GAROOWE , MUQDHISO .. ay ka dhiibteen Aragtidooda dowlada dhexe ee FARMAAJO IYO Kheyre .. laguna ogaaday in Somali u haraaday Dowlad dhexe oo awood leh oo cadow shisheeye inaga celisa .. Umada Degan Lawyacado , Boorama , Buuhoodle , Hargeysa , burco , boosaaso , Gaalkacayo , Muqdisho iyo dhamaaan Somali oo la waydiiyey Dowladeena dhexé ee Farmaajo iyo Kheyre iyo sida ay u ARKAAN iyo Shacabka oo sheegay in ay ku diirsadeen Bal nala Dhagayso oo ku waano Qaado Somaliyeey https://www.youtube.com/watch?v=d1COSW6qJAA&t=42s

  4. MrSomali says:

    Khaatumo news .. markii Farmaajo u diiday dowlad goboled .. markii cali khaliif hilib geel ku wareeray Hargeysa bay isku dhex daateen .. Farmaajo wuxu qabaa Gobolada waqooyi oo isla socda baa la hadlayaa .. laakin waxaba ka soo hormaray Boorama , buuhoodle , hargeysa , burco oo ku faraxsan Hogaanka iyo dareenka Somalinimo ee farmaajo iyo Kheyre .. bal nala daawo barmaamij cajiba oo umada SOMALIYED FROM SAYLAC , BOORAMA , BUUHOODLE, HARGEYSA , BURCO , GAROOWE , MUQDHISO .. ay ka dhiibteen Aragtidooda dowlada dhexe ee FARMAAJO IYO Kheyre .. laguna ogaaday in Somali u haraaday Dowlad dhexe oo awood leh oo cadow shisheeye inaga celisa .. Umada Degan Lawyacado , Boorama , Buuhoodle , Hargeysa , burco , boosaaso , Gaalkacayo , Muqdisho iyo dhamaaan Somali oo la waydiiyey Dowladeena dhexé ee Farmaajo iyo Kheyre iyo sida ay u ARKAAN iyo Shacabka oo sheegay in ay ku diirsadeen Bal nala Dhagayso oo ku waano Qaado Somaliyeey
    https://www.youtube.com/watch?v=atROU2rqIis




script>
Deg Deg Daawo::”Somaliland Dhankasta Markay Soo Oodantay Ayaan IS Casilay”
- Oct 14, 2019
Faadumo siciid Xoghayihii Xisbiga WADANI. ayaa shaacsiay in ay iska casishay xilkaasi ay ka ...
War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad
- Oct 14, 2019
Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ...
Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,
- Oct 14, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Daawo::Sheekh Xasan”Kismaayo Waxa Ka Socda Waa Naag Dhilaysatay Oo Kale”
- Oct 13, 2019
Sheekh xasan deheeye, oo kamid ah Culimada Borama, ayaa Si kulul uga hadlay ...
Deg Deg Daawo::Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kismaayo Tegay,
- Oct 13, 2019
Maamulka Somalialnd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xubno Maamulkaasi kamid ah ...