dahabshiil

War Deg Deg Ah::Nabadoon Caawa Lagu Dhex Toogtay Kismaayo,+Walwalka Xidig iyo Seerar.

Salaadii maqrib ka dib ayaa magalada Kismayo gaar ahaan maqaayada lagu magacaabo Qandal ee xaafada calanleey waxaa lagu dhaawacay Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ah xunbin sare oo kamid ah Isbadal doonka Jubbland ee Axmed Madoobe ka soo horjeeda wuxuu ahaa Abuukaatahaas ladhaawacay shaqsigii soo magacabay gudoomiyaha Gudigii dorashooyinka garabka Isbadal doonka ee Kismaayo sidoo kale waa nabadoon siweyn looga yaqaano magaalada Kismaayo Abuukaataha lagaarsiiyay dhaawaca culus.

Dhaawaca Abuukaate Axmed Jaamac ayaa waxaa fuliyay seddax askari oo ku labisana Tuutaha Ciidanka Jubbaland sida ay xaqiijiyeen shacabka Kismaayo gaar ahaan dadkii kula sugnaa maqaayada Qandal ee Abuukaataha lagu weeraray.

Sida laxaqiijiyay Abuukaataha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana dhaawaciisa lagu dawaynayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo ka dib markii kooxda weerartay ay ku dhufteen Afar xabadood oo ka haleelay qeebaha sare ee jirkiisa.

Weerarka Abuukaate Axmed Jaamac lagu dhaawacay caawa magaalada Kismaayo ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii shalay Axmed Madoobe oo shirjaraa’id ku qabtay Kismaayo ku dhawaaqay in cid asaga ahayn magaca Madaxweynaha Jubbaland sheegan karin sidoo kalana joogi karin magaalada Kismaayo kuwa sheeganaya magaca hogaanka sare ee Jubbaland maalmaha nagu soo aadana howlgal looga saarayo kuwaas Kismaayo laga fulinayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kuwada sugan seddax siyaasi oo sheeganaya Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo labo Gole Baarlamaan waxaana kala hogaaminayo Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) iyo Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isku garab ah ka dib markii seddaxdoodaba ay sheegeen in sifo sharci ah lagu doortay ayna doorteen Gole Baarlamaan oo sharci ah

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Daacad says:

    Dadka burburka jubbaland ka shaqaynaya e alshabaab la shaqaynaya waa in aaney jubbaland ka baxsan oo xayiraad cirka iyo dhulka la saaraa. Madaxweynaha puntland Dani waxaan leeyahay suuraha dhabayacada inaga daaye si buuxda u taageer sayid Ahmed iyo jubbaland inta laga dhigin kismaayo howga argixisada sida buuraha galgala

  2. Daacad says:

    Nabadoonka la dhaawacay waa arin nabad gelyada jubbaland khalkhal lagu gelinaya si Ahmed madoobe loogu eedeeyo iyo maamulkiisa kadibna ciidamo kasoo horjeeda oo cidkale ka amar qaata kismaayo la soo geliyo iyagoo ugu gabanaya in mucaaradka aamaankooda la sugayo




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...