dahabshiil

Maxaa Ka Socda Xafiisyada Farmaajo iyo Khayre.

Maanta waxaan waqti wada qaadanay akhyaar saaxibadey ah oo aynaan muddo is arkin. Badan kood waxey u shaqeeyaan Hay’ado iyo shirkado. Waxey ii sheegeen arrin aan aad uga naxay, ina sii niyad jabisay runtii. Waxey ii sheegeen in dhallinyaro badan oo Hay’adaha iyo shirkadaha Private ka ah u shaqeeya ay qaati taagan yihiin, oo aysan labo eray ku qori karin baraha bulshada oo ku aadan siyaasadda iyo sida wax u socdaan.

Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa labada xafiis ee howlaha dalka ugu muhiimsan ka socdaan, waana meesha go’aamada masiiriga ah kasoo baxaan, lagana maamulo dowladda iyo dalkaba, sidaas darteed halkaas waxaa jooga shaqaale aad u badan, shaqaalahaas waxey uga duwan yihiin shaqaalaha kale ee dowladda waa dad inta badan ay soo xushaan hadba madaxda xafiiskaas joogta, iyagoo ku xulanaya kartidooda iyo qibradooda ay u leeyihiin arrimo gaar ah.

Shaqalahaas waxey u badan yihiin la taliyeyaal dhanka amniga, arrimaha dibadda, siyaasadda, dhaqaalaha iyo sharciga ah. Maanta waxaa la ii barayaa in ay jiraan rag ka tirsan labadaas xafiis oo ku magacabaan la taliyeyaal laakiin shaqo maalmeed kale haya oo ah iney ka shaqeeyaan iney dadka Facebook gooda iyo Twitter kooda ilaaliyaan. Haddii aad u shaqeyso Hay’ad hebla oo ka shaqeysa arrimaha beeraha aad dowladda wax ka qorto, asbuuc kadib wasaaradda Beeraha ama labadaas xafiis mid ka mid ah ayaa toos Hay’adaada u diraya Email digniin ah, looguna sheegayo in lagala noqon doono ruqsadda.

Hadda ka hor waxaan maqlay in MD Siyaad Barre casho u sameeyey fannaaniinta, kadibna cashada markey dhammaatay ayuu fannaaniinta mid mid u gacan qaaday. Madaxweynaha iyo fannaaniinta uu san aqoon waala is barayey, isaguna ama fannaaanka magaciisa ayuu maqlay ama hees tiisa oo sidaas ayuu horay uga garanayey marka loo sheego. Isbarashadii iyo salaantu intey socotay ayaa waxaa lasoo gaaray fannaanka Careys Ciise Kaarshe, waxaa lagu yiri Madaxweyne kanina waa Careys Ciise Kaarshe, marka islaamo dhawr ah oo Careys gaadaashiisa dambe taagnaa ayuu yiri Madaxweynuhu ku waana maxey ahaayeen? waxay ku jawaabeen madaxweyne waxaan nahay marka Careys leeyahay haddii kale waxaan lahaa, kuwa gadaal ka yiraahda ”Aahey” Siyaad Barre intuu qoslay ayuu ku yiri waryaada waxaas shaqo ma ahane ordaha shaqa raadsada.

Waa halkii Siyaad Barree ee horta ragga waxaas ku shaqeeya waxaan leeyahay, berri marka waxaan taariikh noqdaan ee dowladdaan wax la iska weydiiyo Facebook ayaan ilaalin jiray wax ninweyn sheegto ma ahan, ee Taariikh xumo ha kororsanina shaqo mahaysaane, midda kale waxa dalkaan shaqo iyo hawl cakiran yaalla ee fikir, talo iyo karti ubaahan in waxa sidaas u hooseeya madaxdeenu waqti iyo dhaqaale ba ku bixiyaan iyaduna waxey na tuseysaa halkaan u socono.

WQ, Maxamed Royal

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. AAR GOOD ABEES says:

    WAAN
    DAWARSANAYAAYA

    XAGAY XUKUNTAA DAWLADDAAD SHEEGAYSAA

    MALAA
    JAMHUURIYADA QARANKA SOMALILAND BAAD KU KHALDANTAYE DIB ISU SAX

    FAQASH BERI HORE
    AYAA KUUKUUYO QAAQAAWAN IYO XABASHI QEEDHINKA HUURSATAA NAAGEYTEENE.

    @ hadii aanan dhulkaygoow somaliland.com

  2. Abdirisaq ahmed arab says:

    Nin xun baad tahay waxaa ka casyeysan Ina cabdi xaashi wiilkiisa wasiirka laga qaaday kursiga reer malaha dhulbahante ayuu kadhexeeya ciil baad udhiman walee, farmaajo waa ninkii badbaadiyey qayaad qandhiciley markii bahararsame xasuuqa xun kudhufatay ee shirka labada beelood jigjiga kuqabtay dhaqalahana madaxweyne farmajo bixiyey




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...