600 War Deg Deg Ah::Beesha Farmaajo Oo Isku Hub Urursatay Xiisad Ka Dhalatay Xadhiga Ex Wasiir Janan, | khaatumo news online
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Beesha Farmaajo Oo Isku Hub Urursatay Xiisad Ka Dhalatay Xadhiga Ex Wasiir Janan,

Waxaa cabsi wayn laga qabaa in magaalooyin ka tirsan gobalk Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka bilaawdaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo bulshada gobalka Gedo, sida ay noo sheegeen odayaasha degaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu jiro kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin odayaasha, saraakiisha ciidamada iyo bulshada, kuwaas oo ku nool degmada Doolow oo ah halkii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa Cabdirashiid Janaan, ka hor inta aan laga qaban Muqdisho.

Kulamadaan oo dhowr jeer ka dhacay Doolow waxaa yeeshay saraakiil taageersan xarigga wasiir Janan, halka kuwa kalane ay qaateen saraaakiil iyo odayaal dhaqan oo diidan xarigga wasiirka amniga Jubbaland Janan.

Kulamadan ayaa abuuray walaac ay qabaan dadka degaanka waxaana la sheegayaa in ay jiraan siyaasiin gadaal ka riixaya kacdoon dadweyne oo degaanka ka dhaca.

Xubno katirsan maamulka Jubaland ayaa ku wargeliyay dadka degaanka iyo qoyska wasiir Janan, in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday sii deynta Janan islamarkaana uu u xiran yahay arimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Jubaland.

“Waxaan daremeynaa in dad ay abaabulayaan isku dhacyo gobalka ka bilaawda, sababtoo ah waxaa noo muuqata in beesha uu ka soo jeedo wasiir JaNan, aysan mideysneen oo ay dhici karto in dhaxdooda ay dagaalamaan” ayuu yiri qof katirsan dadka degaanka oo la hadlay Caasimada Online.Warbaahinta ,

Beesha uu ka soo jeedo Cabdirashiid Janan, sidoo kalane uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso arinta Jubaland, xarigga Janan iyo kuwa kale, waxaana ka dhax-taagan khilaaf aad u adag.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Abc says:

    Ma talyaanigaasaa mahdi ah tanina waa yaabee.
    Taasaa laleeyahey soomaali ha israacdo.




script>
Liiska Madaxweynaha Farmaajo u raaci lahaa Hargeysa oo la helay .
- Feb 17, 2020
Waxaa Goordhaweyd soo gaadhay shabakadda Khaatumonews liiska xubno u raacilaha Magaalada Hargayusa ...
Daawo:Farmaajo Hadii Uu yimaado Hargaysa waa La jarjaraya’
- Feb 16, 2020

War Deg Deg Ah Daawo:Dawlada Somaliya Oo ciidan Keenaysa Gaalkacayo iyo Puntland Oo Dagaal Ku Hanjabtay,
- Feb 16, 2020
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo saaka wareysi siiyay ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ugu Danbayn Somaliland Oo Cadaysay In Uusan Farmaajo Hargaysa Imaan Karin.
- Feb 16, 2020
Maamulka Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku ...
Daawo:Faysal Falaalug Oo Buuhoodle Soo Gaadhay iyo Saraakiisha SSC Oo Soodhaweeyay.
- Feb 16, 2020
Hogaanka sare ee Jabhada Ssc Col.Cabdirashiid Xuseen Cali Iyo Saraakiisha Ssc Ayaa Maaanta ...