600 Deg Deg:;Xasan Sheikh iyo Farmaajo Loolan Adag Ku Dhexmaraayo Dhuusamareeb | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:;Xasan Sheikh iyo Farmaajo Loolan Adag Ku Dhexmaraayo Dhuusamareeb

Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka billaabmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed.

Abaabul iyo kulamo joogto ah oo u badan ololeynta musharaxiinta ayaa ka socda Dhuusamareeb waxaana tartanka ugu adag uu dhaxmarayaa laba nin oo qaraabo ah balse kala taabacsan xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Khaatumonews, ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo oo garab ka helaya ra’iisul wasaare Kheyre ay wajahayaan xaalad adag oo halis ku ah rajadii ay ka qabeen Galmudug kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo sharaxay aqoonyahaan, siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana saameyn culus ku leh Galmudug.

Labadaan madaxweyne ayaa kala wata Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo isna musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya dhowaan

C/raxmaan Odowaa, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidoo kalane ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo arkaa in uu leeyahay rajada ugu wanaagsan ee hogaanka Galmudug, halka Qoor Qoor uu wado dedaalo badan isagoo garab ka helaya xukuumadda Soomaaliya.

Waa tartankii ugu adkaa oo dhaxmara Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxayna arintaan ay hour-dhac u noqon doontaa rajada 2-da hogaamiye ee doorashada Soomaaliya sanadkaan 2020/21-ka, oo la aaminsanyahay in ay isu soo taagi doonaan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Liiska Madaxweynaha Farmaajo u raaci lahaa Hargeysa oo la helay .
- Feb 17, 2020
Waxaa Goordhaweyd soo gaadhay shabakadda Khaatumonews liiska xubno u raacilaha Magaalada Hargayusa ...
Daawo:Farmaajo Hadii Uu yimaado Hargaysa waa La jarjaraya’
- Feb 16, 2020

War Deg Deg Ah Daawo:Dawlada Somaliya Oo ciidan Keenaysa Gaalkacayo iyo Puntland Oo Dagaal Ku Hanjabtay,
- Feb 16, 2020
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare, oo saaka wareysi siiyay ...
War Deg Deg Ah Daawo:Ugu Danbayn Somaliland Oo Cadaysay In Uusan Farmaajo Hargaysa Imaan Karin.
- Feb 16, 2020
Maamulka Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku ...
Daawo:Faysal Falaalug Oo Buuhoodle Soo Gaadhay iyo Saraakiisha SSC Oo Soodhaweeyay.
- Feb 16, 2020
Hogaanka sare ee Jabhada Ssc Col.Cabdirashiid Xuseen Cali Iyo Saraakiisha Ssc Ayaa Maaanta ...