dahabshiil

Deg Deg Daawo::Jubaland Oo Kashifay Sir Culus iyo Sharuudo Farmaajo Hor Dhigay Odayaal Mareexan Ah,

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan siideyntiisa Wasiir Janan balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamuud ayaa sheegay in shuruudahaas ay ugu adkaayeen saddex qodob oo aysan suurta-gal ahayn in Jubaland ay fuliso.

”Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo aan sheegin cidda ka tirsan dowladda federaalka ee ay la hadleen Jubaland ayaa intaasi ku daray in marnaba aysan aqbali karin oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro

Dowladaha deriska, oo loo maleynayo in loola jeedo Kenya, ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac, dalabkas na uusan macquul ahayn.

Guddiga horey ay Jubaland usoo dirtay oo u badnaa xubno ku beel ah Janan iyo madaxweyne Farmaajo, oo u badan odayaal dhaqameed ayaa sheegay in shuruudaha lagu xiray uu ka dambeeyo madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in xaaladda Cabdirashiid Janan aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”, ayuu raaciyay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...