600 Deg Deg Daawo:Isticmaalka Baasaboorka Somalia Oo La Hakiyay. | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Isticmaalka Baasaboorka Somalia Oo La Hakiyay.

Waxaa mudo todobaad ah oo ka billaabanaysa 14-ka bishan la hakiyay dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

War kasoo baxay heyadda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya ayaa lagu sheegay in loo hakiyay arrimo farsamo oo jira.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga waaxda socdaalka Soomaaliya ee facebook.

Go’aankaan lagu hakiyay dalbashada baasaboorka mudada todobaadka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale horay muddo seddax maalmood ah loo hakiyay howlaha Hey’adda dambi barista booliska Soomaaliya ee CID-da, mudadaas oo maanta ku ekeed.

Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa hay’adaha ugu musuq maasuqa iyo wax is daba marsiiska badan dalka, ayada oo xaruntaas ay tahay meel lagu dhibo lacag badan oo laaluush ahna looga qaato muwaadiniinta baasaboorka doonaya.

Hakintan cusub ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay ugu wacan tahay musuq maasuqa hay’addan oo xargaha goostay, islamarkaana laga yaabo in baaritaan lagu sameeyo.

Agaasimaha waaxda socdaalka Maxamed Aadan Koofi, oo marar badan la damcay in xilka laga qaado ayaa waxaa hor-istaagay nin ay isku beel yihiin oo saaxib la ah madaxweyne Farmaajo, mana jirto wax laga qaban karo musuq maasuqa hay’adda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. leopon says:

    5 nin oo tahriiba oo isku beel ah oo baassaboor diplomacy ah sita oo isku diyaarad lasocda Somalia ayaa laga hayaa maxishoodayaal.musuq waydhaaftay inta laqabtay ayaa diyaaradii lagasoo celiyay.




script>
Daawo::Raysal Wasaare Maxamed Cabdi oo sheegay in xasuuqii Isaaq sax ahaa weliba hadda taallaabo militari laga qaado
- Feb 20, 2020
Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe “isman odhan Somaliland Sidan Ayay Ku Danbayn Doonta”
- Feb 20, 2020
Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa kusoo laabtay Guduoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka somaliland Faysal cali ...
Deg Dg:Aadan Barre Ducaale Oo Sumeeyay Caruur Agoon ah
- Feb 20, 2020
Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa lagu eedeeyay inuu cunto dhacday u ...
War Deg De Ah:Diyaarad Kenya Leedahay Oo Joojisay Duulimaadkii Muqdisho.
- Feb 20, 2020
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid ah ...
Deg Deg::ilyaz Aadan oo Mag Ka Qaatay Ninkii Laga Reebay Qisaasta.
- Feb 19, 2020
Garoowe{ Khaatumonews }Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, oo kamid ahaa saddexdii nin ee loo xukmay Kiiskii ...