600 Trump oo shaqada ka eryay mas’uul mar la kulmay Khayre | khaatumo news online
dahabshiil

Trump oo shaqada ka eryay mas’uul mar la kulmay Khayre

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu shaaciyey in uu xilka ka qaadey John Bolton, kaasoo ahaa lataliyihiisa arrimaha ammaanka, sidda uu ku shaaciyey bartiisa Twitter-ka.

Trump oo u muuqdey mid si furan u hadlaya ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in ay isku qabteen arrimo uusan daaha ka rogin balse uu tibaaxay in ay ahaayeen soo jeedin ka timid Mr Bolton.

Dhinaca kale, Bolton oo ka falceliyay xilka ka qaadista madaxweyne Trump ayaa waxa uu muujiyey in ay ahayd talaabo uusan filayn maadaama sida uu tilmaamay uu horey codsadey in uu is-casilo.

Go’aanka Trump ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo warar soo baxaya ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Trump ay isku maandhaafeen arrimo quseeya shir uu baajiyey Trump.

Shirkaasi ayaa waxa uu ahaa mid uu Trump la yeelan lahaa hogaamiyeyaasha ururka Taliban, kaasi oo isbuucan qabsoomi lahaa.

John Bolton oo kamid ah siyaasiyiinta ugu maqaamka sareysa Mareykanka, isla markaana xilal kala duwan soo qabtay ayaa waxa uu bartamihii sanadkan la kulmay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Sheekh Xaliike Oo Ugu Baaqay Inay ilaahay U Towbad keenan Dadkii ka Qeyb Galay Xafladii Buugaagta laascaanood,
- Dec 13, 2019
Sheekh Maxamuud Xaliike oo kamid ah Culimada ugu waaweyn Gobolada SSC Gaar ahaan Gobolka ...
Daawo::Deni oo heshiis cusub la saxiixday dowlada Imaaraadka Carabta
- Dec 13, 2019
Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday ...
War Deg Deg Ah:Abwaan Laab-Saalax oo lagu xidhay laascaanood,iyo Arrinta lagu Haysto Oo Khaatumo News Ogaatay,
- Dec 13, 2019
Maleeshiyaadka Booliiska Maamulka Somaliland ayaa Laascaanood ku xidhay Abwaan ...
Deg Deg::Maleeshiyada Isaaq Oo laascaanood Ku xidhay Wiil Sawirka Farmaajo Ku Galay Sawir.
- Dec 13, 2019
Laascaanood{ khaatumonews }Maleeshiyaadka Beesha isaaq ushaqeeya ee ku Sugan Gobolka sool ayaa goordhoweyd ...
Daawo:Sahra ilays Oo Laascaanood laga Baacsaday kadib Shir Ku Qabatay Hargaysa,
- Dec 12, 2019
Fanaanada Sahro ilays oo ku caanbaxday Cunsurinimo iyo Aflagaadada Soomaaliweyn ayaa Lagu casuumay Bandhiga ...