dahabshiil

Deg Deg:Beesha Caalamka Oo Garab Siisay Axmed Madoobe iyo Culays Lama Filan Ah Oo Soo Wajahay Farmaajo

Dowladda Somalia ayaa culeyskii ugu horeeyay kasoo wajahay xaaladda Jubbaland iyo dib u doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadib markii beesha wakiilada Beesha caalamka ay ka dalbadeen madaxda dowladda Somalia wadashaqeyn buuxda oo dhex marta dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ka hor shir ka dhici doona Muqdisho.

Kulan magaalada Baydhaba ku dhex maray wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga hadlay shirka Somalia Partnership Forum oo 1-2 Oktoobar ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasoo tubaha ee dib habeynta siyaasadda, Amniga-cadaaladda, iyadoo ay muhiim tahay inay kasoo qeyb galaan dhammaan maamul Goboleedyada dalka, lagana rabo wadashaqeynta dowladda Federalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Maamulka Jubbaland ayey Beesha caalamka dooneysaa inuu kasoo qeyb galo shirkaasi, taasoo ay diidan yihiin madaxda dowladda Federaaka Soomaaliya oo aan aqoonsan doorashadii Axmed Madoobe, kuna tilmaamay sharci darro, iyadoo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qaatay go’aan ah inuusan wax wadahadal ah la gelin Axmed Madoobe.

Haddii dowladda Federaalka ku adkeysato inaan shirkaasi lagu casuumin Axmed Madoobe ama inta ka horeysa aan lagu guuleysan waanwaan la dhex dhigo labada dhinac ayaa laga cabsi qabaa inuu fashilmo, iyadoo la saadaalinayo in Puntland ay qaadici doonto shirka haddii aan lagu casuumin Axmed Madoobe, taasoo abuureysa xaalad is mari’ waa ah iyo culeys siyaasadeed oo soo wajaha madaxda dowladda Federaalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. WARAN says:

    Kkkkkkkjiii

    XAARMAAAJO
    MADLUUN MAANGAABA OO KU JIQ SII MOOYEE HESHIISIINBA LA BARIN OO FIKIRKII ADEERKII AFWEYNE BIDHIQ LIQE KU QUFULAN YAHAY UUN IGA DHEH.
    NACASNIMO IYO NAXDIN AYAA FAQASHTA U JOOGTA AH .

    # faqash.com

  2. Somalilander says:

    Beesha Caalamku ayagaa ayaa lacagta bixiya Farmaajo ku joogo Mogadishu. Hadii AMISom maalin lacagta laga jaro, way kala dareerayaan. Kolka waa ku khasbanyay inu Beesha caalamka u hogaansamo.




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...