dahabshiil

Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Finish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Mo says:

    Cumar finish wuxuu ka mid ahaa qabqablataashii
    dagaalka, waa mooryaan dhiig badan waxay shayd in maxkamad la soo taago isaga iyo kuwo kaloo badan. waana nasiib darro in farmaajo u magacaabo
    duqa myqdisho, Farmaajo waa nin lagu khaldamay oo lagu khasaaray, waa 4 sano oo khasaartay.

    la taliyayaashiisu waa kuwo isaga ka sii liita.

    Maryooley cidna uma maqna ceelna uma qodna.
    dalkoodii gacantooda kuma jiro oo dowlado shisheeyaa ku hardamaya.

    Maxamad Siyaad baa laga hayaa in uu yiri “ dal mooyee dad ka tagi maayo”. soo hdalkaas xigmadda ah maanta caddeyntiisa ma hayno !!!!

    Siyaad barre wuu ogaa in doomaalidu tahay dad liita oo aan waxba qabsan karin , waxba ku heshiin karin, wakhtigu kaga dhamaado iska daba wareeg.
    cadowgooda u nugul, etc, etc…….

    • WARAN says:

      XAARMAAAJO WAA QABIILAYSTE WAAYO WAXAA DUQA MAGAALADA MUQDISHO XAQ U LAHAA INUU NOQDO.( AL XAAJI MUUSE SUUDI YALAXOW).
      KU XIGEENKUNA NOQDO PROFESSOR MAHAMED ABDI XAYIR ( MAAREEYE) WAAYO MAQAAMKA XAMAR WAXA ISKA LEH ( IRIR SAMAALE) XAARMAAJO NA WUXUU LEEYAHAY TUULADA CAABUDWAAQ.

  2. Mire Wrsame says:

    Farmajo tuu keenaaba tii hore ka daran. Mooryaankii u weynaa ayuu u magacaabay Duqa Caasimadda.Danta uu ka leeyahay waa maxay? Bal ka fekera Somaliyey. Waxaan maqlay Farmajo waxa loogu bixiyey jileec. Liidasho ayaa ka muuqata.

  3. Daacad says:

    Haday somaliya cadaalad jirto duqa Mogadishu waxay ahayd in laga dhigo doorkan madhibaan samaale waa reerka somali ugu badan irir somale kale iyaga ka badan




script>
Deg Deg Daawo::Wasiir Ka Tirsan Xukumada Khayre Oo Iscasilay Siro Badana Kashifay,
- Sep 20, 2019
Waxaa goordhaw shaaciyay is casilaadiisa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee ...
DAAWO:Gabadha Ugu Samaynta Badan Dalka China Oo Ka Soo Jeeda Gobolada SSC,
- Sep 20, 2019
Shabakadda Khaatumonews,com waxaa Ay halkan Idiin ku soo Gudbinaysa Warbixin cajiib ah oo ...
Deg Deg Daawo:Ku Xigeenkii Axmed Madoobe Oo Gaadhay Nairobi,+Farmaajana UGu Baaqay Ka Soo Qeyb Galka Caleema Saarka,
- Sep 20, 2019
Magaalada Nairobi, ee caasimada Dalka kenya waxaa gaadhay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka ...
Deg Deg Daawo:Hargaysa Oo Lagu Qabtay Kulan Midnimada Somalia Looga Hadlaayo,
- Sep 20, 2019
Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha Hargaysa ayaa tababar ay soo ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Shir Xamar Ka Dhacay Oo Jubaland Loo Diiday.
- Sep 19, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada ...