600 Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Jawaan Adag Siiyay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka Oo Labo Qodob Farmaajo Usoo Dhiibay, | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Jawaan Adag Siiyay Xubno Ka Socda Beesha Caalamka Oo Labo Qodob Farmaajo Usoo Dhiibay,

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.

Waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno ka socday IGAD, safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay laba qodob oo beesha caalamka ay dooneyso in la fuliyo kuwaas oo kale.

1 – In fursad iyo waqti dheeri ah la siiyo musharaxiinta mucaaradka si ay isu diiwaan geliyaan ugana qeybgalaan doorashada.

2 – Iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada, islamarkaana taas ay tahay shaqada gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hanaanka Doorashooyinka Jubbaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Qaybdiid says:

    Bismillaah

    Nasiixa: Amxedow xilku waa meerto heer tuulo ilaa heer degmo ilaa heer gobol ilaa heer maamul goboleed iyo ilaa dawlada dhexe, mana aha boqortooyo “fuulaa kama dego” ku dhisan, waxaana iska leh shacabka joogga mandiqada aad hore ugu heshay lotto-da, xilkan waqtigiisii hadda kaa dhamaaday, ummadda u tudh, caaqna ha ku noqonin, hana ku aakhiro seegin.

    Saldanada Allaah baa bixiya, oo qofka loo dhiibayo garansiiya waxay shacabku rabaan, oo ku raaldi yihiin, ka dibna ku doortaan isagoo sharaf leh oo saciima, ee yaanay ceebi kaa raacine jooji qaadacul dariiqnimada, waad ogtahay xukumka qaadacul dariiqa diinteenu ka qabto in la mariyo xadkiisa, u samee gobolka doorasho xalaala, sida dawlada fedralku rabto, oo la shaqee dawlada ummadda u shaqaynaysa. WBT

  2. Asad says:

    Asc Qaybdid talo fican baad axmed siisay markaad tiri shacabka utur lkn sida dawladu rabto yeel waa qalad dawkadu haday qaldantahay maku taageeraysaa qalad si dhexdhexaad baa wax loo qoraa hadii jale dembi iyo eex baad gelaysaa

  3. Abc says:

    Sidaa heyska daba laalaado abidkeed. walee soomaali baan wax ku heshiin.
    Xabashiga iyo kuukuuyo la kala safta oo ukala hiiliya,




script>
Deg Deg Daawo:Hadalkii Ka Cadhaysiiyay Muuse Biixi iyo Farmaajo,
- Jan 22, 2020
Cabdraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee ...
Galmudug Oo Nasiib U Yeelatay 2020 Sadex Guddi Doorasho,
- Jan 22, 2020
Xildhibaano katirsan Ahlu Sunna Waljameeca kana mid ahaa xubnihii shalay ka carooday Guddiga doorashada ...
Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq,
- Jan 22, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ku cadaadiyay in uu Iscasilo Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ...
Dawlad Dhalan Mayso Inta Caasimad Muqdisho Tahay,
- Jan 22, 2020
Muqdisho mar waxeey aheed magaalo ay mooryaanta iyo dagaal ooggayaasha ay ku shaqeeystaan, maantana ...
Daawo:Qosolka Waraysi Laga Qaaday Horgalle C.Rashiid Qambi Oo Isku Haysta Qoys-ka Muuse Biixi.
- Jan 22, 2020
Shabakadda Caalamiga ah Khaatumonews waxay halkan idiin ku soo Gudbinaysa waraysi laga qaaday Wasiirka ...