dahabshiil

Deg Deg Daawo:Barlamaanka Jubaland Oo La Dhaariyay.

Munaasabad lagu dhaariyey xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubaland, kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Jubaland, ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xafladda dhaarinta baarlamanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal, ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.

Xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay guddoomiyaha maxakamadda sare ee Jubaland, sida uu sheegay xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah golaha shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Sheekh Cabd Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada baarlamanka 2-aad ee Jubbaland ayaa noqdey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, ilaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee baarlamaanka.

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada guddoonkooda iyo doorashada madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socota maamuli doona maamulka Jubaland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. DAACAD says:

    Farmaajo iyo wuxuu dabada ku wato ha u joojinina , danihiina raacda oo wax qabsada.
    wax dowlad dhexe layiraahdaa ma jirto oo xamar oo dhan kama taliso.

  2. Mo says:

    Daacad

    Xamar oo dhan kama taliyaan?! xataa halka waddo ee ay isticimaalaan ee maka-almukarama kama taliyaan oo waaka maalinwalba qaraxyadu ka dhacaan ee shacabka lagu xasuuqo.

    Farmaajo iyo khayrre is ay fashilmeen!!
    dhibka jiraa wuxuu yahay, dowladba dowladay ka dambeyso waa ka liidataa, waana nasiibdarro soomaalida haysata.




script>
Daawo:Saleeban Cali Koore Oo Isaaq Raali Galinaya,Dhiiga Inadeerkiis Oo Wali Qoyan Islamarkaana Maydkiisu Wali Talaagad Ku Jiro,
- Aug 22, 2019
Waxaa Maanta warbaahinta la hadlay Daba dhilif Saleebaan Cali Koore Wasiitka biyaha maamulka Isaaq ...
Deg Deg:Farmaajo Oo Cadhadii Kula Dhacay Saraakiisha ciidanka iyo Xubno Badan Oo Uu Xilkii Ka Qaaday Maanta,
- Aug 22, 2019
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu ...
Deg Deg Daawo:Mudaharaad Lagu Taageeraayo Madaxweyne Axmed Madoobe Ka Dhacay Kismaayo,
- Aug 22, 2019
Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo doorashadii ...
Deg-deg :- Sidee Ayay U dhacdey Doorashadii Jubaland Akhriso Natiijada.
- Aug 22, 2019
Doorashada Jubbaland: Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca Kale: Isbahaysiga ...
Deg Deg:Musharax Axmed Madoobe Oo Hada Soo Gaadhay Hoolka Doorashada.
- Aug 22, 2019
Musharax Axmed Maxamed ISlam Axmed Madoobe oo ah Musharax Madaxweyne Ee Jubaland Shanta ...