dahabshiil

Deg Deg Daawo:Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Arrimo Badan,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay.

Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay loona baahan yahay in shacabka loo adeego.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay Wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markana burbur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Qaybdiid says:

    Bismillaah

    Amxedow xilku waa meerto heer tuulo ilaa heer degmo ilaa heer gobol ilaa heer maamul goboleed iyo ilaa dawlada dhexe, mana aha boqortooyo “fuulaa kama dego” ku dhisan, waxaana iska leh shacabka joogga mandiqada aad hore ugu heshay lotto-da, xilkan waqtigiisii hadda kaa dhamaaday, ummadda u tudh, caaqna ha ku noqonin, hana ku aakhiro seegin.

    Saldanada Allaah baa bixiya, oo qofka loo dhiibayo garansiiya waxay shacabku rabaan, oo ku raaldi yihiin, ka dibna ku doortaan isagoo sharaf leh oo saciima, ee yaanay ceebi kaa raacine jooji qaadacul dariiqnimada, waad ogtahay xukumka qaadacul dariiqa diinteenu ka qabto in la mariyo xadkiisa, u samee gobolka doorasho xalaala, sida dawlada fedralku rabto, oo la shaqee dawlada ummadda u shaqaynaysa. WBT




script>
Daawo:Saleeban Cali Koore Oo Isaaq Raali Galinaya,Dhiiga Inadeerkiis Oo Wali Qoyan Islamarkaana Maydkiisu Wali Talaagad Ku Jiro,
- Aug 22, 2019
Waxaa Maanta warbaahinta la hadlay Daba dhilif Saleebaan Cali Koore Wasiitka biyaha maamulka Isaaq ...
Deg Deg:Farmaajo Oo Cadhadii Kula Dhacay Saraakiisha ciidanka iyo Xubno Badan Oo Uu Xilkii Ka Qaaday Maanta,
- Aug 22, 2019
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu ...
Deg Deg Daawo:Mudaharaad Lagu Taageeraayo Madaxweyne Axmed Madoobe Ka Dhacay Kismaayo,
- Aug 22, 2019
Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo doorashadii ...
Deg-deg :- Sidee Ayay U dhacdey Doorashadii Jubaland Akhriso Natiijada.
- Aug 22, 2019
Doorashada Jubbaland: Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca Kale: Isbahaysiga ...
Deg Deg:Musharax Axmed Madoobe Oo Hada Soo Gaadhay Hoolka Doorashada.
- Aug 22, 2019
Musharax Axmed Maxamed ISlam Axmed Madoobe oo ah Musharax Madaxweyne Ee Jubaland Shanta ...