dahabshiil

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo

Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa ku sugan maanta buurta CARAFO dusheeda, kuwaasoo gudana waajibaadka xajka ee sannadkan, waxaana sooman maanta inta baan muslimiinta kale ee aan ku sugnayn CARAFO

ujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay MINA iyagoo u jiheystay buurta CARAFO, iyadoo in la dul-istaago buurta Carafo uu uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka.

Sidoo kale, muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 2-milyan, waxaana ay ka mid noqonaysaa markii ay ugu tirada yaraayeen muslimiinta xajisay sannadihii lasoo dhaafay.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in sannadkan ay xaj u yimaadeen dalka Sucuudiga in ka badan 2,096,023 oo xaaji, kuwaasoo maanta dhamaantood ku sugan buurta Carafo oo ah halka ugu barakada badan XAJKA.

Guddoomiyaha gobolka ay ku taallo Maka, Khalid al-Faisal oo la hadlayay warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegay in sannakan ay balaayiin doollar ku bixiyeen sidii si nabad-galyo ah loogu gudan lahaa acmaasha waajibka ah ee Xajka.

Dhanka kale, mas’uulkan ayaa daboolka ka rogay in Maka ay geeyeen in ka badan 350,000 oo askari iyo 4,000 oo shaqaale rayid ah, si ay ugu adeegaan xujeyda sannadkan gudanaya xajka, kuwaasoo ka kala yimid caalamka oo dhan.

Gaadiidka ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan waddooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka inta u jira qiyaastii 2-km, si loo badbaadiyo nolosha inta badan xujeyda sannadkan oo waddooyinkaas lugta ku maraya.

Ugu dmabeyn, shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Saleeban Cali Koore Oo Isaaq Raali Galinaya,Dhiiga Inadeerkiis Oo Wali Qoyan Islamarkaana Maydkiisu Wali Talaagad Ku Jiro,
- Aug 22, 2019
Waxaa Maanta warbaahinta la hadlay Daba dhilif Saleebaan Cali Koore Wasiitka biyaha maamulka Isaaq ...
Deg Deg:Farmaajo Oo Cadhadii Kula Dhacay Saraakiisha ciidanka iyo Xubno Badan Oo Uu Xilkii Ka Qaaday Maanta,
- Aug 22, 2019
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu ...
Deg Deg Daawo:Mudaharaad Lagu Taageeraayo Madaxweyne Axmed Madoobe Ka Dhacay Kismaayo,
- Aug 22, 2019
Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo doorashadii ...
Deg-deg :- Sidee Ayay U dhacdey Doorashadii Jubaland Akhriso Natiijada.
- Aug 22, 2019
Doorashada Jubbaland: Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca Kale: Isbahaysiga ...
Deg Deg:Musharax Axmed Madoobe Oo Hada Soo Gaadhay Hoolka Doorashada.
- Aug 22, 2019
Musharax Axmed Maxamed ISlam Axmed Madoobe oo ah Musharax Madaxweyne Ee Jubaland Shanta ...