600 Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin, | khaatumo news online
dahabshiil

Dawladda Somalia Oo Magaca Hodan Naaleeye Ku Bixinasa Abaalmarin,

Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa.

“Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Darwiishland says:

    Mansha allah talaabo ku dayasho mudan

    Hogan Naalaye Alle janadii fordawasa ha ka waraabsho 7 allbaab janada alle ha ufuro wayna gakaysaa jano oo waayo gacan ka xaqdaran baa fidget. Amin. Amin amin ya rabi

    Hablaha darawiish tu way ka duwan yihiin kuwa kale somalida waayo waxay la culeesyihiin hablaha dunada sharafta ogow qadarinta ku leh,

    Ku darso waxa intaa soo dheer illaa dowladihii addunka aya wada can baareeyay dhilka dilka cadow tinimadu ku jirto ee somaliland isoo adeegtey argagixiso

    Tusaale
    1 Saado cali dhimashadeedi iyo tariikh deedi addunka daafihisa laga siidayay sida BBC,CNN SKY CBS ALJAZEERA IYO China media,
    2 Hodan Naalaye sidoo kale inta iyo in labadan ba laga siidayay

    3 Kiin Jama
    Markii ay tagtey Xamar ilaa kenya 🇰🇪 sidoo kale waa lasoo Dayey

    Halka waxa ka cad misaanka reer khaatumo ku leeyihiin addunka oo aysan aheen dad maanta dowlad sheegayana balse somalida kale oo qawan ay dowlad ahayeen

    Waxa laguu miisayana ay tahay hanan dowladeed ee maha mid qabiildeed

    Balse dadka maanta tariikh dondoonya oo ah idoor iyo dhabayaco tariikh a u tahay SSDF iyo SNM
    markey arkaan sida reerkani miisan uleeyahay so halbowlihu go’i maayo

    Walaahi van ku dharteen way wada naxeen oo ka wada xumaadeen aduunkoo ka hadlaya reer khaatumo dhimasho iyo nololba teedonto ha ahaate

    Hadii maanta aduunku soo hadal qaadi lahaa SSDF IYO SNM sideebay noqon lahayeeen suasha waxan u dayay shicibka soomaliyeed?

    Hablahaya kuu dhinteyna janaan ilaah uga baryeynaa kuwaa Nolna sharaf iyo ciso iney ku nooladaan

    Amin yarabi

  2. Ahmed says:

    Allah Ha u naxariisti Hodan Naleeye oo dadka Somaliyeed geerideeda aad uga naxeen meel kastay joogaan oo ahayd gabadh somalidu aad u jeclaayeen geerideeduna aad u taabatay Aamiin

  3. Abdi Abokor says:

    Inna lillaahi wa inna ileyhi raajicuun
    HODAN NAALEYE Ilaahay ha u naxariisto.
    HODAN waxay u dhimatay oo nafteeda u hurtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed; waxay dadka bartay, (qurba-joog & dal-joogba) Waanaagga,qiimaha iyo qaayaha u leeyahay dalka Soomaliya.
    Nasiib darro, waxa Hodan dilkeeda isu bahaystay oo wada qorsheeyey kana qayb qaatay qaar aan dalka iyo dadka Soomaaliya la jecleyn Wanaag, Xasilooni iyo Horumar.

    HODAN risaaladii (message) waxay gaarsiisay daafaha adduunka; jiilka dambe ba halkii ka sii wadaya.

  4. Abdi Abokor says:

    HODAN NAALEYE waxay dalka iyo dadka Soomaliya ka mudantahay abaalgud iyo maamuus meekhaan sare ah.




script>
Deg Deg Daawo:Hadalkii Ka Cadhaysiiyay Muuse Biixi iyo Farmaajo,
- Jan 22, 2020
Cabdraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee ...
Galmudug Oo Nasiib U Yeelatay 2020 Sadex Guddi Doorasho,
- Jan 22, 2020
Xildhibaano katirsan Ahlu Sunna Waljameeca kana mid ahaa xubnihii shalay ka carooday Guddiga doorashada ...
Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq,
- Jan 22, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ku cadaadiyay in uu Iscasilo Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ...
Dawlad Dhalan Mayso Inta Caasimad Muqdisho Tahay,
- Jan 22, 2020
Muqdisho mar waxeey aheed magaalo ay mooryaanta iyo dagaal ooggayaasha ay ku shaqeeystaan, maantana ...
Daawo:Qosolka Waraysi Laga Qaaday Horgalle C.Rashiid Qambi Oo Isku Haysta Qoys-ka Muuse Biixi.
- Jan 22, 2020
Shabakadda Caalamiga ah Khaatumonews waxay halkan idiin ku soo Gudbinaysa waraysi laga qaaday Wasiirka ...