600 Deg Deg:Raysal Wasaaraha Canada Oo Ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Raysal Wasaaraha Canada Oo Ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Hodan Naaleeye oo kamid aheyd dadkii badnaa ee Al Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo.

Justin Trudeau ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeriyootay Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada, waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaaraha tacsi u diray ehelada dadkii kale ee lagu dilay Weerarka Hotel Cas Caseey.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sheegay in Wariye Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya, waxa uuna xusay in geeridiida ay noqotay mid si weyn looga naxay loogana dareemay Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta Soomaalida, waxa ay aheyd qof wanaagsan, geerideeda aad ayaana uga naxnay ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Trudeau.

Ra’isul Wasaaraha dalka Canada ayaa sidoo kale balan qaaday in dowlada federaalka Soomaaliya ka taageerayaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka .

Allaha u naxariistee Hodan Naaleeye oo heesatay dhalashada dalka Canada iyo seygeeda ayaa kamid noqday dadkii badnaa ee ku dhintay weerarkii Al Shabaab jimcihii ku qaadeen Hotel kuyaala magaalada Kismaayo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Hadalkii Ka Cadhaysiiyay Muuse Biixi iyo Farmaajo,
- Jan 22, 2020
Cabdraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee ...
Galmudug Oo Nasiib U Yeelatay 2020 Sadex Guddi Doorasho,
- Jan 22, 2020
Xildhibaano katirsan Ahlu Sunna Waljameeca kana mid ahaa xubnihii shalay ka carooday Guddiga doorashada ...
Deg Deg:Farmaajo Xilka Ka Baaciyay Masuul Weeraray Somaliland Kadib-na Amaan la Fuulay iyo Taariikh Aysan Lahayn Beesha Isaaq,
- Jan 22, 2020
Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Ku cadaadiyay in uu Iscasilo Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ...
Dawlad Dhalan Mayso Inta Caasimad Muqdisho Tahay,
- Jan 22, 2020
Muqdisho mar waxeey aheed magaalo ay mooryaanta iyo dagaal ooggayaasha ay ku shaqeeystaan, maantana ...
Daawo:Qosolka Waraysi Laga Qaaday Horgalle C.Rashiid Qambi Oo Isku Haysta Qoys-ka Muuse Biixi.
- Jan 22, 2020
Shabakadda Caalamiga ah Khaatumonews waxay halkan idiin ku soo Gudbinaysa waraysi laga qaaday Wasiirka ...