dahabshiil

Deg Deg:Dhul-Gariir ku Dhuftay Qeybo Puntland Kamid ah,

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi galbeed ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah.

Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley miibac oo ku yaalla inta u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee gobolka bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin, marka laga reebo warka ay soo saartay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.

Degmada Bareeda ee GARDAFU’, waa degmada masaafo ahaan ugu fog degmooyinka Puntland, marka laga cabbiro magaalada Garoowe, waxaana ay caasimadda u jirtaa 1556km.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo:Saleeban Cali Koore Oo Isaaq Raali Galinaya,Dhiiga Inadeerkiis Oo Wali Qoyan Islamarkaana Maydkiisu Wali Talaagad Ku Jiro,
- Aug 22, 2019
Waxaa Maanta warbaahinta la hadlay Daba dhilif Saleebaan Cali Koore Wasiitka biyaha maamulka Isaaq ...
Deg Deg:Farmaajo Oo Cadhadii Kula Dhacay Saraakiisha ciidanka iyo Xubno Badan Oo Uu Xilkii Ka Qaaday Maanta,
- Aug 22, 2019
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu ...
Deg Deg Daawo:Mudaharaad Lagu Taageeraayo Madaxweyne Axmed Madoobe Ka Dhacay Kismaayo,
- Aug 22, 2019
Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda banaan baxyo waa weyn oo lagu taageerayo doorashadii ...
Deg-deg :- Sidee Ayay U dhacdey Doorashadii Jubaland Akhriso Natiijada.
- Aug 22, 2019
Doorashada Jubbaland: Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca Kale: Isbahaysiga ...
Deg Deg:Musharax Axmed Madoobe Oo Hada Soo Gaadhay Hoolka Doorashada.
- Aug 22, 2019
Musharax Axmed Maxamed ISlam Axmed Madoobe oo ah Musharax Madaxweyne Ee Jubaland Shanta ...