600 Deg Deg:khasaaraha kala gaaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:khasaaraha kala gaaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre

Sida la xaqiijiyay afar ruux oo dhinacyadii dagaallamaya ayaa ku dhintay lix kalena waa ku dhaawacantay dagaal culus oo ciidamada Somaliland iyo jabhadda Caarre shalay ku dhexmaray degaanka Dhoob oo qiyaastii 45 dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalkii shalay ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminayey Col. Siciid Cawil jaamac Caarre oo ku socday buuraleyda magaalada Ceerigaabo balse xilliga la weeraray ku sugnaa degaankaasi Dhoob.

Dadka dhintay ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira saddex askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland halka maydka hal ruuxna laga soo helay dhufays ay banneeyeen ciidanka jabadda Caarre oo iyagu difaac ku jiray maadaama ciidamada Somaliland weerarka qaadeen.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in dhaawacyada oo lix ruux gaaraya ay ku jiraan laba kamid ah jabhadda Caarre oo midkood dhaawac fudud qabay uu ka baxsaday isbitaalka magaalada Ceerigaabo iyadoo afarta kalena ay ka tirsanaayeen ciidamada Somaliland.

Wararku waxay intaas ku darayaan in jabhadda caarre laga qabsaday gaari nooca dagaalka ah oo god kaga dhacay iyo saddex askari oo saarnaa.

Dhinaca kale Somaliland ayaa bandow saartay magaalada Ceerigaaabo ee xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ka dhaceen muddaharaadyo looga horjeedo xukuumadda Muuse Biixi laguna taageerayo Col. Caarre.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Somaliland united says:

    COL.SACIID CAWILOW KAGA DHAWAAJI JEEGANTA
    DULLEEYSANI.WALIGAABA GUUSHA HAAY DAD BADAN BAA HELI INSHALLAH. MUUSE GEEL JIR XAAR BUU KU FADHIYAA EE HA U DABCIN.
    GUUUUUUUUUUUUUL CARRE KKKKKKKKKKKKKKK

  2. Daalo says:

    Durbaba jeegaantii waa qaylinaysaa Caare halala hadlo oo sowdinkii oronjiray howshiisii ciidankay utaala, wax wada hadala oo dhacaya majiro inta Muuse handaraab meesha fadhiyo

  3. Daalo says:

    Waaka tuuraynaa meesha

  4. Daalo says:

    Col Caare daawasho wacan yaa jeegaan




script>
Deg Deg Daawo::”Somaliland Dhankasta Markay Soo Oodantay Ayaan IS Casilay”
- Oct 14, 2019
Faadumo siciid Xoghayihii Xisbiga WADANI. ayaa shaacsiay in ay iska casishay xilkaasi ay ka ...
War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad
- Oct 14, 2019
Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ...
Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,
- Oct 14, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Daawo::Sheekh Xasan”Kismaayo Waxa Ka Socda Waa Naag Dhilaysatay Oo Kale”
- Oct 13, 2019
Sheekh xasan deheeye, oo kamid ah Culimada Borama, ayaa Si kulul uga hadlay ...
Deg Deg Daawo::Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kismaayo Tegay,
- Oct 13, 2019
Maamulka Somalialnd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xubno Maamulkaasi kamid ah ...