dahabshiil

Deg Deg:Caare Oo Gad’oomiyay Ciidamada Somaliland Ee Ceerigaabo.

Ceerigaabo{Khaatumonews} Xaalada Magaalada Ceerigaabo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen Dagaalo iyo Banaaxyo Rabshado watay ayaa maanta degan.

Magaalada Ceerigaabo ayaa lagu soo Waramayaa in Habaynkii Xalay lagu soo Rogay Xaalad BANDOW ah, Waxaana maanta dib u bilowday isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga,  Walow Qaybo kamid ah magaalada Xiisadaasi laga dareemayo.

Dhinaca kale Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre oo Horay Fadhiisin ugu lahayd Duleedka magaalada Qardho, ayaa lagu soo waramayaa inay Hada usoo Wareegeen Buuraleyda Galbeedka Gobolka Sanaag.

Xalay saqdii dhexe mar kale waxaa ciidamada maamulka Somaliland isku dayeen inay dhanka Buuraleyda Ceerigaabo u dhaqaaqaan, haseyeeshee waxaa labbada Ciidan isku muteen waa kuwa caare iyo kuwa somalilane iridka “Karin” oo ah kan laga galo Buurta Daallo.

Ciidamada maamulka Somaliland dib ayay halkaas ugasoo laabteen, Buuraleyda Ceerigaab iyo labbo kamid dariiqyada laga soo galo magaalada waxay gacanta ugu jiraan Jabhada Kornayl Caarre.

Odayaal iyo Waxgarad ayaa lagu soo Waramayaa inay Maanta ku baxeen, Kuwaasi oo ku Howlan sidii loo Xakamayn lahaa Xaalada Gobolka inta aysan Faraha ka bixin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Somaliland united says:

    GO’DOOMI JEEGAANTA DULLIGAA
    GUUUUUUUUUUUUUUUUUUL CARRE
    ICTIRAAFKA WAALIDAAAAAA UGA DHIG
    XABAD ASKARIGA ILEEYA.HHHHHHHHHHHHHHHHHAAAY




script>
Deg Deg:Dhul-Gariir ku Dhuftay Qeybo Puntland Kamid ah,
- Jul 15, 2019
Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya ...
Deg Deg:Raysal Wasaaraha Canada Oo Ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye
- Jul 15, 2019
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku ...
Daawo:Wasiir ka Socda Dawlada Somalia Oo Shir Ka Furay Garoowe,
- Jul 15, 2019
Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo ...
Deg Deg Daawo:Jaaliyadda Sweden oo Tacsi Ka dirtay Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Jaaliyadda Reer Sweden Ee Dagan caasimada Dalkaasi ee Stockholm ayaa isugu ...
Deg Deg:Kenya Maxay Ka Tidhi Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Dowladda Kenya ayaa arrimo siyaasadeed uga faa’iideysatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ka fulisay ...