dahabshiil

Deg Deg Daawo:Maleeshiyaad Reer Galmudug ah Oo Dilay Shan Ruux Oo Reer Puntland Ah,

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacntay kadib markii koox hubaysan ay duhurnimadii jidka u galeen gaari siday oo marayey meel u dhexaysa tuulada Gaxandhaale iyo degaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Gaariga la weeraray oo ay saarnaayeen dad xoola-dhaqato ah ayaa sida la sheegayo ka yimid dhanka tuulada Gaxandhaale waxaana uu ku socday degaanka Saaxo balse kooxda hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca koonfurta Mudug ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ula dhacay maatadii gaariga saarneyd oo ay ku jiraan haween iyo carruur sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dadka gaariga saarnaa 5 ruux kamid ah isla goobta ku geeriyoodeen halka saddex kalena meesha laga qaaday iyagoo dhaawacyo culus qaba. dhinaca kale kooxdii dadka laayay ayaa goobta ka baxsaday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. gurxan says:

    Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun ALLAAH ha u naxariisto dadkaas gacanta ka xaq daran ay dishey .

    waxaana u malaynayaa {inkasta oo uu maluhu dambi yahay } waxaa arintaa fuliyey labada maamul oo ka jira gaalkacyo kuwaas oo ka xun kulankii shalay ee ay ku midoobeen bulshada gaalkacyo taasoo soo afjaraysa khilaafkii somalia horsedna u noqonaysa midnimo iyo horumar somalia oo dhan ah .

    waxayna waxaas u samaynayaan waxay arkayaan magaaladiii oo gacantooda ka baxaysa .
    waxaana kugu baaqayaa dhalinta reer gaalkacyo ama somalia oo dhan inay ka baxaan qabqablayaasha ina kala qoqobaaya oo qawlaysatada ah .
    fadlan oo fadlan hubkiina qaata oo midooba labada maamulna kaba saara magaalada illaa aan somalia oo dhan kawada gaarno ka gees ka gees .
    wallaahay markaad soo xusuusatid sidii laga soo maray midnimada iyo xornimada somalia ilin ayaa kugu soo istaagaysa .

    waayo bal eeg siday dadka maanta waxa aan jirin loo kala sheegayo markay unka u socdeen sida labada wiil isu badbaadiyeen si haddii ninka baxaya uu qadiyadii loo socdey uga mira dhaliyo oo aan isaga sunta loogu durin ,ee uu isagu naftiisa u ulxiyeeyey .

    fadlan oo fadlan ka digtoonaada dhagaraha maamulada dadka maanta la laayey waa shirqool idinka midnimadiina lagu maja xaabinayo .

    dhalintii wadankaay dhufsadoo ka kacaay nacasbaa dhutiyee dhudhunkiina lisaay dhudhunkiina lisaay .

    guulaysta dhamaantiin SYL1+SYL2 NOQDA QAYBTII LABAAD EE SYL

  2. Alla aamin. says:

    Maxey kala sheegayaan oo kala qaadayaan.
    Khaatumolaawe news cudur iyo xaasidnimee ku caan baxdeen .




script>
Deg Deg:Dhul-Gariir ku Dhuftay Qeybo Puntland Kamid ah,
- Jul 15, 2019
Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya ...
Deg Deg:Raysal Wasaaraha Canada Oo Ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye
- Jul 15, 2019
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku ...
Daawo:Wasiir ka Socda Dawlada Somalia Oo Shir Ka Furay Garoowe,
- Jul 15, 2019
Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo ...
Deg Deg Daawo:Jaaliyadda Sweden oo Tacsi Ka dirtay Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Jaaliyadda Reer Sweden Ee Dagan caasimada Dalkaasi ee Stockholm ayaa isugu ...
Deg Deg:Kenya Maxay Ka Tidhi Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Dowladda Kenya ayaa arrimo siyaasadeed uga faa’iideysatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ka fulisay ...