600 Dagaalkii Ceel-Afweyn oo xoogeystay & Wararkii u dambeeyay | khaatumo news online
dahabshiil

Dagaalkii Ceel-Afweyn oo xoogeystay & Wararkii u dambeeyay

Waxaa isa-soo taraya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo markii hore ka bilaawday deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu ku fiday deegaano kale,isla markaana dagaalka xoogiisa uu dhacay shalay gelinkii dambe.

Goobjoogayaal iyo saraakiisha Caafimaadka ee degmada Ceel-Afweyn ayaa waxaa ay sheegeen in dadka ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan ilaa 25 ruux halka 30 kale ay ku dhaawacmeen.

Majirto cid ilaa iyo hadda kala dhex-gashay maleeshiyaadka deegaanada hoostaga degmada Ceel-Afweyn ku dagaalamaya,waxaana dagaalkooda uu yahay mid soo lab laabtay oo dhowr mar heshiis laga gaaray.

MMuuse Biixi Cabdi oo kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa amray in si deg deg ah Ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland loo kala dhex-dhigo maleeshiyaadka dagaalamaya.

Wararka ugu dambeeyay ee haatan aan ka heleyno deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in weli labada maleeshiyo beeleed ay ishor-fadhiyaan,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Axmed says:

    Beeenaale.




script>
Deg Deg Daawo::”Somaliland Dhankasta Markay Soo Oodantay Ayaan IS Casilay”
- Oct 14, 2019
Faadumo siciid Xoghayihii Xisbiga WADANI. ayaa shaacsiay in ay iska casishay xilkaasi ay ka ...
War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad
- Oct 14, 2019
Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ...
Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,
- Oct 14, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Daawo::Sheekh Xasan”Kismaayo Waxa Ka Socda Waa Naag Dhilaysatay Oo Kale”
- Oct 13, 2019
Sheekh xasan deheeye, oo kamid ah Culimada Borama, ayaa Si kulul uga hadlay ...
Deg Deg Daawo::Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kismaayo Tegay,
- Oct 13, 2019
Maamulka Somalialnd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xubno Maamulkaasi kamid ah ...