600 Deg Deg:Barlamaanka Puntland Mamnuucay Konteenarada Dekeda Berbera | khaatumo news online
dahabshiil

Deg Deg:Barlamaanka Puntland Mamnuucay Konteenarada Dekeda Berbera

Golaha wakiilada Puntland, ayaa Isniinta maanta cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland.

Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland.

Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%.

Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland,islamarkaan lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Wadaniboy says:

    Qabsadaan sool ganasoo oda yimaado puntland marhoray ahayd waayo waxay ku kibray xoolaha. Deganada puntlabd ee dhoofa oyo kuwa ay keenaan wayo. Degaanka waan kaqasan. Ganasiga socon. Waa maamul xumada puntland. Madaxdooda soo maray laakiin dani wuu gartay in dagaalka meel walba ay galiyeen jegaanta. Harti kalaqaybin. Ganacsiga waa waxa jegaanta yoocada ugu socoto. Iyo puntlabd weerar sanad walba waa on la iska celiyaa mistaqbalkafog waayo somali diideen waa in iyagana la diida waxay rabaan noocwalba. Xaqa islamka waa sas lakiin. Deganada waan qabsan ganasiga waa cadi. Isku luuqad baanahay. Waxas doqomada loo shegaa ay shegan jegernata.

    • CAR DHACSO CITRAAFK says:

      GO’DOOMIYA DICTATORKA ILEEYAπŸ”’πŸ”’πŸ”’
      IIDOOR KADAB-KOODAA GALAY AWALEEY KAADIDOODA CABAAYEEN MISANA HANDARAAB AFAR GEESA.

  2. Catalaanland says:

    WAXAASAA HANDARAAB AHπŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘πŸ‘kkkkkkkkkkkk

  3. Yusuf says:

    Marka horeba qalad bay ahayd in ay Reer Somaliland la shaqaystaan Majeerteeniya. Xukuumadda Somaliland waa in ay xidhaa ganacsiga Somaliland ka soo galiya dhanka Soomaaliya, sida khudaarta iyo waxyaabaha kale ee laga helayo dalka gudihiisa iyo Itoobiya.

  4. nofaqash says:

    Ganacsiga hadiii la siyaasadeeyo dadaka lacda dhunac ka ganacsada uun baay wax yeeleysaa dawalada somaliland dhaqqqalaha waxaa gacata ku haya shacbiga sida puntland oo kale kolka ma fahmayo waxey puntlandka faaiideyso dhib kuma keenayso dawalada somaliland wa ma soo dajiso wax na umnma soo dhoofiso puntland

  5. Dhabka Hadal says:

    Mantana ma nayjar ayaa xidhiidhka loo jari waaaka faratoon tagaye miskiin baa miska la fuulo leh, mar shalay bbc-du weydiisay Cawad ayaa yidhi kiinya waa ka xishoonaynaa lkn Gini waa ku tumanay kkkkkkk yacni calaashaan iyaga ka biqimayno.

    • LAFARUUGAAWI says:

      WAAR MALAA ODAYGII PROFESSOR FARATOON WUU TAHRIIBAY ANIGAA DALKA CHAD SAFIIR UGA AH JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC’E OO XABBAD SUPER LIIQA TADKAARI BERIGII AHMED GURAY XABASHIDA LA DAGAALAMAYAY KA SOO TAFIIRANTAY LAABTA KU HAYSTEE.

      # Chad country traditional.com

  6. Jama says:

    Ganacsigu waa xor. Waxa ka muuqata. Baqdin. Waxaad mooda in xag ciidan .siyaasasad.ganacsi. Lagaga adkaaday buntyland. Galmudug uma gudbi karaan. Somaliland. Way ka qaylinayaan
    Dekeda boosaado. Kuma soo degi. Karaan
    Marka. Warku waa cadyahay. Reer boosaasow ama iska dhaafa. Ganacsiga konterada ama Somaliland usoo guura. Waanu idinku soo dhowaynayna. Weliba cashuur dhaaf




script>
Deg Deg Daawo::”Somaliland Dhankasta Markay Soo Oodantay Ayaan IS Casilay”
- Oct 14, 2019
Faadumo siciid Xoghayihii Xisbiga WADANI. ayaa shaacsiay in ay iska casishay xilkaasi ay ka ...
War Deg Deg Ah:Kurdida oo la heshiiyey Xukuumada Bashar Al Assad
- Oct 14, 2019
Xoogaga Kurdida Siiriya oo maalmihii lasoo dhaafay duulaan culus uga yimid dhanka Militariga Turkida ...
Deg Deg:Sarkaal Lagu Dilay Kismaayo,
- Oct 14, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ...
Deg Deg Daawo::Sheekh Xasan”Kismaayo Waxa Ka Socda Waa Naag Dhilaysatay Oo Kale”
- Oct 13, 2019
Sheekh xasan deheeye, oo kamid ah Culimada Borama, ayaa Si kulul uga hadlay ...
Deg Deg Daawo::Somaliland Oo Ka Hadashay Xubno Kismaayo Tegay,
- Oct 13, 2019
Maamulka Somalialnd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xubno Maamulkaasi kamid ah ...