dahabshiil

Deg Deg Daawo:Deni Garoowe Si Cajiib Ah Ugu Soo Dhaweeyay Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Somaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa.

Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha  Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Darwiishland says:

    Hhhhhhh dhabayacadu waxay dhaqdaan riyaha oo wxaa astaan u ah shiisha yar ee dhita lagu dhigo hhhhhhh walahi meelkastaw io dhabayaco joogta bal idiinku ilaa eeega ilaa mamulkoda, guruahooda, ganacsigooda waxa u sudan waa dhiil hhhhhhh

    Fakhri alle adin bad waxanu ku caynaa dhabayacafa Ciise riyoole hhhhhh waa dhabtaasi ee somalay bal nala arka hhhhhh

    Nin geel laheen akhro lama amaaneyn geel iyo gabanimna Darwiish iyo absane iyo Isaaqii hore ee sharafta lahaaa maha kuwa maanta ka jah wareeriyey ee somali cadow loga dhigay baa gonna Nino ku dantay iyo wax Rag dhaqdo mahaa Dhiil iyo xoolaha Dumarka hhhhhhh ee dhabayaco dhaqato wa idin salmay

    Radayadii Cadowadhac baa Xanaaqdey hhhhhhh

  2. Darwiishland says:

    Hhhhhhh dhabayacadu waxay dhaqdaan riyaha oo wxaa astaan u ah shiisha yar ee dhita lagu dhigo hhhhhhh walahi meelkastaw io dhabayaco joogta bal idiinku ilaa eeega ilaa mamulkoda, guruahooda, ganacsigooda waxa u sudan waa dhiil hhhhhhh

    Fakhri alle adin bad waxanu ku caynaa dhabayacafa Ciise riyoole hhhhhh waa dhabtaasi ee somalay bal nala arka hhhhhh

    Nin geel laheen akhro lama amaaneyn geel iyo gabanimna Darwiish iyo Absame iyo Isaaqii hore ee sharafta lahaaa maha kuwa maanta la jah wareeriyey ee somali cadow loga dhigay bay gobo Nimo ku dhantay iyo wax Rag dhaqdo mahaa Dhiil iyo xoolaha Dumarka hhhhhhh ee dhabayaco dhaqato wa idin salmay

    Ri yadii Cado wadhac baa Xanaaqdey hhhhhhh




script>
Deg Deg:Dhul-Gariir ku Dhuftay Qeybo Puntland Kamid ah,
- Jul 15, 2019
Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya ...
Deg Deg:Raysal Wasaaraha Canada Oo Ka Hadlay Geerida Hodan Naaleeye
- Jul 15, 2019
Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka hadlay geeridii naxtinta laheyd ee ku ...
Daawo:Wasiir ka Socda Dawlada Somalia Oo Shir Ka Furay Garoowe,
- Jul 15, 2019
Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo ...
Deg Deg Daawo:Jaaliyadda Sweden oo Tacsi Ka dirtay Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Jaaliyadda Reer Sweden Ee Dagan caasimada Dalkaasi ee Stockholm ayaa isugu ...
Deg Deg:Kenya Maxay Ka Tidhi Weerarkii Kismaayo,
- Jul 15, 2019
Dowladda Kenya ayaa arrimo siyaasadeed uga faa’iideysatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ka fulisay ...