dahabshiil

Deg Deg:MD Farmaajo Oo Gaadiid Aan Xabadu Karin Kismaayo Geenaya iyo Xiisad Hor Leh,

Muqdisho{ khaatumonews }Dowladda Soomaaliya ayaa afar gaari oo ah nuuca aan xabadda karin ku wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar”, oo ka tirsan Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee sanadkaan 2019.

Wasiir Oomaar oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda Olalahiisa doorashada ka billaabi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Koox madax ka noqon doonto ololaha Wasiir Oomaar oo Musharax ah ayaa hadda la dhameestiray kuwaas oo todobaadka soo socda lagu wado in ay u baxaan magaalada Kismaayo kadibna waxaa ku biiri doona Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Gaadiidkaan oo gaaraya ilaa 4 gaari oo aan xabadda karin “bullet proof” ayaa Wasiirka gacanta loo geliyay Khamiistii waxaana lagu wadaa 3 gaari loo qaado Kismaayo halka midna looga tagi doono si uu u isticmaalo inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho

Kooxda ololihiisa wadda waxaa ku jira xubna sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo qaarkood katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeeda Jubbaland gaar ahaan Kismaayo.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar waxaa lagu tilmaamaa in uu ugu horreeyo xubnaha aadka ugu rajo weyn in uu ku soo baxo doorashada Jubbaland haddii ay u dhacdo si caddaalad ah, inkastoo uu wajahayo loolan adag oo siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay wadato Oomaar ayaa la aaminsan yahay in ay u huri doonto maal iyo xoogba, si lamid ah Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. LAFARUUGAAWI says:

    @ land cruiser gado soo Bari galay.com

    Iyo faqash faqash kuukuuyo qaaqawani addoonsato SOMALO ragii difaaci jiray sankay idinka qabsadeen fulaydii qadaad weyn uun IGA dheh.
    # qaranka dhidibada.com




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...