dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ciidanka Puntland Oo La Wareegay Magaalada…

Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ay laba todobaad kadib ay dib ula wareegeen deegaanka Af-Urur oo ay dhawaan la wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dagaal la’aan kula wareegeen deegaankaas,kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo laba todobaad gacanta ku haayay deegaankaas.

Taliyaha Ururka 3aad ee deegaanka Af-urur Gaashaanle dhexe Maxamud Maxamed ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga deegaanka Af-Urur,isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Waxa uu sheegay inay bilaabi doonaan howlgallo ay ka sameynayaan Buuraha Galgala iyo deegaanada kale ee Gobolka Bari,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Deegaanka Af-Urur oo ah deegaan muhiim ah ayaa tira laba jeer ah ay Al-Shabaab la wareegeen, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Puntland,waxaana Madaxda Maamulkaas ay sheegeen in xeelad dagaal ay uga baxeen.

Si kastab Al-Shabaab weli wax war ah kama soo saarin ka bixitaanka deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, kadib laba todobaad oo ay maamulayeen, hayeeshee wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Xaaji xarago says:

    Waa mashruuc uu majeerteen caalamka xoogaaga Yar kaga gurrto …..caalamkuna waa ku fahmeen hada in ay alshabaab meesha ku beeraayaan si ay xoogaa dakhli ah u helaan……

    Markay is qabsadaan galmudug waxay yiraahdaan alshabaab ayaa la socota …markay is qabsadaan somaliland waxay iraahdaan alshabaab ayaa la socota…..

    Iyagana sowkuwan alshabaab ku beeraayaan …..nin abeeso rabaystow adiguunbaa u ayaai nabaraday kugu dhigi doonto

  2. LIBAAX LEGDE says:

    Kkkkkkkkkjijiji

    Igu sawiraa!!.

    NAA KASTUUMOOY Shan xayraan oo body gaadh ah ha noo soo sawirine soo jeeso bal inaad soo jeedkan johorad u eg tahay bini’aadamku Jinniyad bay kuu haystaane!!.iyo KOOCA.

    @ buurdhaab/hees.com




script>
War Deg Deg Ah:Qarax wey Oo Ka dhacay Muqdisho.
- Jun 15, 2019
Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo ...
War Deg Deg Ah:Geel Ka Badan 100 Halaad Oo Gobolka Cayn Lagu Dhacay,
- Jun 15, 2019
Wararka haatan naga soo gaadhaya Magaalada Dandan Ee Gobolka cayn ayaa sheegay in ku ...
Deg Deg Daawo Muuse BiixI Oo Su ‘allo Adag Lagu Boobay,
- Jun 15, 2019
Hogaamiyaha maamulka SNM Oo maanta Daah Furaayay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee maamulkaasi ayaa su ...
War Deg Deg Ah::Xasuuq Ka Dhacay Magaaada Gaalkacayo
- Jun 15, 2019
Galkacayo: Warar ayaa sheegaya in 9 qof lagu dilay caawa duleedka Gaalkacyo halka mid ...
Deg Deg Daawo:Dagaal Culus Oo Ka dhacay Magaalada Badhan
- Jun 15, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad Xalay magaalada Badhan ...