dahabshiil

Deg Deg::Roobow oo la dhigay isbitaal Digfeer

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho 15-kii Ramadaan kuna beegneed 21-kii bishii la soo dhaafay ee May kadib markii uu xanuunsaday, sida ay ogaatay Khaatumonews.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Khaatumonews Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Isbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco.

Markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad.

Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale arintaan waxaa e=Khaatumonews u xaqiijiyay Nabadoono iyo Saraakiil kale oo ku dhow Abuu Mansuur. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Saraakiil katirsan hey’adda NISA oo aan weydiinay ayaa sheegay in aysan xog badan ka heynin arrinta Abuu Mansuur islamarkaana aysan ogaan karin qof kasta balse ay gacanta ku haayaan mas’uuliyiin sar sare oo kaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...