dahabshiil

Deg Deg:Ilhaan Cumar Oo Lagu Helay Danbi,

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah.

Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in lagu helay dambi ah inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed.

Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaareysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay.

Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”.

Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP.

Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay.

Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.”

Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed.

Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. WARAN says:

    KASTUUMOOY HODHODHOO

    FARXIYA KABA YARENA MA KAA AMMAAN HELI WEYDAY?!!.

  2. soleiman jama says:

    naagtan waa naag waalan oo fudud lkn waxaan kula talinlahaa in ay is dejiao




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...