dahabshiil

War Deg Deg ah:Madaxweynaha Puntland Oo Diiday Codsi Uga yimid Madax Ka socota Farmaajo.

Ilo’ ka agdhow xafiiska madaxweyne Den, ayaa Khaatumonews u sheegay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isu’gu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia.

Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen, sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo, xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaakal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia.

Balse, madaxweynaha ayaa sida ilo’ xog-ogaala xaqiijinayan gebi ahaanba  diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay  ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac.

Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. DAACAD says:

    Sowdinkii lahaa farmaajo waa madaxweynaha soomaaliya,
    Ma gudoomiya 2 gobal maamulaa u atooreyn kara oo amarkiisa diidi kara ama loo maslaxeeynayaa?????
    Taasi ma idiin cadeyneysaa in aaney waxba ka jirin waxaad dhoodhoobeysaan iyo inaan farmaajo xamar xukunkiisu wadada gaadhin,
    Khaatumolaawe news ku quuso oo hurdada ka toosa

  2. FAQASH BAACSADE says:

    Faqasheey caqli la’!!.

    # qaranka dhidibada.com

  3. axmed hawd says:

    qabqablayaal igadheh dawlad sheeganaya




script>
War Deg Deg Ah:Qarax wey Oo Ka dhacay Muqdisho.
- Jun 15, 2019
Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo ...
War Deg Deg Ah:Geel Ka Badan 100 Halaad Oo Gobolka Cayn Lagu Dhacay,
- Jun 15, 2019
Wararka haatan naga soo gaadhaya Magaalada Dandan Ee Gobolka cayn ayaa sheegay in ku ...
Deg Deg Daawo Muuse BiixI Oo Su ‘allo Adag Lagu Boobay,
- Jun 15, 2019
Hogaamiyaha maamulka SNM Oo maanta Daah Furaayay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee maamulkaasi ayaa su ...
War Deg Deg Ah::Xasuuq Ka Dhacay Magaaada Gaalkacayo
- Jun 15, 2019
Galkacayo: Warar ayaa sheegaya in 9 qof lagu dilay caawa duleedka Gaalkacyo halka mid ...
Deg Deg Daawo:Dagaal Culus Oo Ka dhacay Magaalada Badhan
- Jun 15, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad Xalay magaalada Badhan ...