dahabshiil

Daawo:Nin Caan ah Oo Laga Duubay Muqaal Sir ah isagoo Gabadh Kufsanaya,

Gabadhii kufsiga ku eedeysay Neymar Jr ayaa markii ugu horreysay ka hadashay kiiskaas, iyadoo sidoo kale la helay muuqaal laga duubay labadooda iyagoo ku sugan Hoteelka la sheegay inuu kufsigu ka dhacay.

Magaceeda oo dhammaystiran gabadhan waxaa la yiraahdaa Najila Trindade Mendes de Souza waxaana ay shaaca ka qaaday inay markii hore ogoleyd inay gogoldhaaf la sameyso laacibka kooxda PSG, balse markii dambe ay diiday maadaama sida ay sheegay uusan haysan cijirka galmada.

Iyadoo Wareysi siisay SBT oo ah TV laga leeyahay dalka Brazil ayey Mendes de Souza dhacdaas ku tilmaantay mid kufsi ah, waxaana ay tiri: “Markii aan weydiiyay haddii uu wato cinjir, wuxuu igu yiri maya, waxaan u sheegay inaysan waxba dhici karin, sababtoo ah waxba ma dhici karin.”

“Kama uusan jawaabin waxba, waxa uu ku kacay falkaan, waxaana weydiistay inuu joojiyo, laakiin ma aqbalin, intii uu falka ku kacayay waxa uu feer iiga dhufanayay caloosha, deg deg ayay ahayd, kaddibna waan baxay, sidaas ayay wax u dhaceen.”

Mendes de Souza waxa ay ka hadashay waxa ka jira in iyada iyo Neymar ay farriimo ku wadaageen baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka, waxaana ay tiri: “Waxaan farriimo isku weydaarsanay Instagram-ka, waxaana uu i weydiiyay waqti aan imaan karo Magaalada Paris”

“Waxaan ku iri ‘haatanba waan imaan karaa, balse ma awoodo lacagta tikidka, wuxuu ii sheegay inuu isaga xalinayo middaas, waxa uu bixiyay lacagta tikidka iyo weliba lacagta hoteelka.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr ayaa been abuur ku tilmaamay sheekadaas, waxaana uu carabka ku adkeeyey inuusan wax qalad ah sameynin, isla markaana ay iyadu tahay beenleey doonaysa inay lacago fara-badan oo baad ah ka qaadato.

>- Dhinaca kale waxaa la helay muuqaal muujinaya gabadhii kufsiga ku eedeysay Neymar Jr oo Hoteelka dhexdiisa ku dharbaaxeysa, lana dagaaleysa xiddig reer Brazil.

Gabadhaan ayaa dharbaaxo la dhaceysa Neymar iyadoo xiddiga reer Brazil uu isku tuuray sariirta islamarkaana uu isku dayayo inuu iska celiyo gacan ka hadalkeeda.

Muuqaalka ayaa la sheegay in la duubay maalin kaddib markii ay sheegtay gabadhan in la kufsaday, waxaana muuqaalkaan kaamirada duubtay la wariyey in la dhigay suuliga qolka ay ku jireen labadooda, waxaana dhigtay gabdhan oo doonaysay inay duubto Neymar oo qiranaya inuu kufsaday maalintii ka horreysay maalintaa.

Macadda waxa sababay dagaalka labadooda dhexmaraya, balse muuqaalkan ayaa ah daqiiqad iyo lix ilbiriqsi oo kaliya, waxaana warbaahinta dalka Brazil ay sheegaysaa in Neymar uu Muuqaalkan ku leeyahay: “Maya, maya maya, ha i dharbaaxin.”

Kaddib markii la maqlay dharbaaxada koowaad oo aysan kaamiradu qabanin, Najila ayaa ku jawaabay: “Maya? miyaad i dharbaaxeysaa markaas aniga? Miyaad i garaaceysa aniga?”

Waxaana ay ku dhufanaysaa labo dharbaaxo oo kale ka hor inta aysan ku qeylinin cod dheer oo ay ku leedahay: “Balse anigaa ku garaacaya, ma garaneysaa sababta aan ku garaacayo?, ma garaneysaa sababta? Maxaa yeelay waxaad i fara-xumeysay shalay, kaligeey ayaad halkaan iiga tagtay.”

Warbaahinta qaarkeeda ayaa sheegaysa in la rumeysan yahay in muuqaalkaan hadda la helay uu qeyb ka yahay muuqaal 7 daqiiqo ah oo aan weli la soo bandhigin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. WARAN says:

    ABOOW ABOOW WARAA KASTUUMO WEB FAQASH WAA WAALATEEY NOO FIIRI WAXOO WAR NOOGA DHIGEESID HEE!!.

    KUFSI LEEN (BUQLEEN) LEE WAXAAN OO IID SOO MALALUUQDAY U SHEEG JINNOOLE LEE BA TAHEE.

  2. RAAMALEEY says:

    GUSKA KHAATUMOSTD ONLY IIDOORKAA KAHELA ALAA WALAAL REER SSC WAARAG WLAAHAY SUHEEYBEEY WAARAG NAA DEE NUUG OO YEY KUDHAAFIN RAGA SSC WALAAHAY DHUXULO BAY IGA KEENEEN AAAAAAH AAH AAH OOH OOH SOSOCO BUTO WARANLE




script>
War Deg Deg Ah:Qarax wey Oo Ka dhacay Muqdisho.
- Jun 15, 2019
Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo ...
War Deg Deg Ah:Geel Ka Badan 100 Halaad Oo Gobolka Cayn Lagu Dhacay,
- Jun 15, 2019
Wararka haatan naga soo gaadhaya Magaalada Dandan Ee Gobolka cayn ayaa sheegay in ku ...
Deg Deg Daawo Muuse BiixI Oo Su ‘allo Adag Lagu Boobay,
- Jun 15, 2019
Hogaamiyaha maamulka SNM Oo maanta Daah Furaayay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee maamulkaasi ayaa su ...
War Deg Deg Ah::Xasuuq Ka Dhacay Magaaada Gaalkacayo
- Jun 15, 2019
Galkacayo: Warar ayaa sheegaya in 9 qof lagu dilay caawa duleedka Gaalkacyo halka mid ...
Deg Deg Daawo:Dagaal Culus Oo Ka dhacay Magaalada Badhan
- Jun 15, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad Xalay magaalada Badhan ...