dahabshiil

War Deg Deg Ah:Ciidanka Puntland Oo Duulaan Ku Ah Magaalada……

Boosaaso{ Khaatumonews }Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Ciidamada Puntland ay weerar ku yihiin deegaanka Af Urur ee gobolkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Puntland ayaa haatan isku urursanaya degmada Carmo, waxaana la sheegay in ay dib ugu laabanayaan deegaankaasi oo ay shalay soo baneeyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Af Urur oo ah deegaan istaraatiji ah ayaa ku yaalla Buuraha Golis, waxuuna in ka yar 70 KM u jiraa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay deegaankan, kuwaas oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Warqabe says:

    Faanweeynaa, war meesha ragii Waroos oo 120 ka ahaa oo lahaa Somaliland baan kasoo goosanay baa isku labarogaye dhabayacooy haku dhimanina.

    Dhul ninkiisiibaa iska leh.

  2. Wiil waamo says:

    Warqabe majeerteen ma taqaan adigu iidoor ayaad taagantahaye?
    Warsengeli iyo maxamed harti ayaa la isku yiraahdaa bah majeerteen yaa jaahil.
    Munaafaqaddii iidoor ku joogay dhulka harti waa dhamaatay.
    Iidoor inta aad dagto ka tasho no more daarood la kala shaxaado iyo munaafaqad dambe waa dhamaatay.
    Viva somaliweyn.




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...