dahabshiil

War Deg Deg Ah:Xuutiyiinta oo gudaha Sacuudiga Galay

Ciidamada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa qarka u saaran inay qabsadaan gobolka Najran ee dalka Sacuudiga kadib dagaal xooggan oo dhacay maalintii ciidda iyo wixii ka dambeeyey.

Mucaaraadka Xuutiyiinta ayaa weerar xooggan ku qaaday gobolka, waxaana ay qabsadeen dhowr goob oo milatari oo ku yaalla gudaha gobolkan dhaca Koonfurta Sacuudiga, sida ay sheegeen.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Sarei ayaa wakaaladda wararka Yemen ee SABA u sheegay inay gacanta ku dhigeen 20 goob oo milatari oo ku yaalla gobolka Najran.

“Ciidamdeenna waxay ka awood badiyeen kuwa naga soo horjeeda, kadib saddex weerar oo aan uga soo qaadnay saddex dhinac” ayuu yiri Yahya.

Waxa uu sheegay inay dileen ama ay dhaawaceen in ka badan 200 oo ah dagaal-yahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee u dagaalamaya Sacuudiga, intii uu socday dagaalka, halka qaar kalena ay gacanta ku digeen. Waxa uu sidoo kale sheegaya inay qabasadeen agab ciidan.

Taleefishinka Xuutiyiinta ee Al-Masirah ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya ciidamadooda oo dilaya ciidamada daacadda u ah Sacuudiga ee gobolka Najran ka dagaalamaya.

Inta badan ciidamada Sacuudiga u dagaalmaya ee gobolka Najran ayaan ahayn Suucidyiin. Badankood waxay kasoo jeedaan dalka Yemen, waana maleeshiyo sabool ah oo u dagaalamaya lacag darteed.

Mid ka mid ah dagaal-yahannadaas ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye “Markii uu ramadaanka dhammaad ahaa, ciidamo badan ayaa naga tagay oo aaday qoysaskooda si ay ciidda ula soo qaateen. Xuutiyiinta way ogaayeen tan, sidaas darteedna waxay naga soo qaadeen dagaal culus.”

Dagaalka ayaa weli ka socda Najran, waxaana Xuutiyiinta ay sheegeen inay u dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan gobolka oo Idil.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Xaaji says:

    War beentan oo kale weli lama arag ee beentu waa xaaraane iska daaya.
    Sucuudigu waa quwad weyn oo caalamka ka jirta wuxuu leeyahay ciidan ku hubaysan qalab casri ah, sida Apache helicopters, F16 fighter jets, Abrams tanks iyo ciidamo si wanaagsan u tababaran oo xitaa difaaci kara Sucuudiga iyo inta xuduud la wadaagta
    Sheekadaan makhaayadaha ee sucuudi baa xuutiyiin maleeshiyo ah qabsatay ma waxaa looga sheekeystaa laascaanood iyo tukaraq
    War xishooda jaahiliin waxaad tihiin aan aduunka waxba kala socon oo tuulo joog ah




script>
Daawo::MUdaraad Badhan Ka dhacay LaguS odohaweyy Ciidankii kaosoBaxay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Shacabka Magaalada Badhan Ee Gobolak Sanaag ayaa Dhigay Isku Soo Bax Balaadh oo ay ...
Deg Deg:Ciidanka Jubaland Oo Amar Lagu Siiyay Inay Soo Afjaran Xidig iyo Seerar,
- Aug 23, 2019
Saraakiisha ciidanka Jubaland iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Xukumada Jubaland ayaa 24 Saac ee ugu ...
Deg Deg:Ciidaamo Xoogan Oo Ka Soo Goostay Maamulka Somaliland,
- Aug 23, 2019
Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga ...
Deg Deg:James Swan Oo Ka Hadlay Arrin uu Muuse Biixi Ku Qanciyay,
- Aug 23, 2019
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ...
Deg Deg::Farmaajo Oo Magacaabay Duqa Caasimada Muqdisho,
- Aug 22, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u ...