dahabshiil

Deg Deg:Xukun Adag Oo Lagu Riday Somali Mareknak Dilay Haweenay Cadaan AH,

Maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Minisota ayaa xabsi 12 sano iyo bar ah ku xukumay sargaal Soomaali Mareykan ah oo lagu magacaabo Maxamed Nuur oo lagu helay dilka haweeney u dhalatay dalka Australia.

Xeer beegti ka kooban 12-ruux ayaa isku raacay in Maxamed Nuur oo dil geestay, waxa ayna isku raaceen in lagu xukumo 12-sano iyo bar oo xabsi ah  oo u dhiganta ciqaabta dilkii uu geestay.

Maxamed Nuur ayaa lagu helay in uu dilay Haweeney lagu magacaabo Ruszczyk Damond oo u dhalatay dalka Australia, waxa uuna dilka haweeneydan ka dhacay 15-kii July 2017-dii guri ay ku nooleed.

Askarigan Soomaali Mareykanka ayaa qirtay in uu dilay haweeney aan hubeysneyn, waxa uu xusay in cabsi lasoo daristay isaga iyo saaxiibkiis sidaasna uu ku furay rasaasta sababtay in haweeneydan ku geeriyooto.

Waxa uuna xeerbeegtida Maxamed Nuur u  sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
War Deg Deg Ah:Qarax wey Oo Ka dhacay Muqdisho.
- Jun 15, 2019
Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo ...
War Deg Deg Ah:Geel Ka Badan 100 Halaad Oo Gobolka Cayn Lagu Dhacay,
- Jun 15, 2019
Wararka haatan naga soo gaadhaya Magaalada Dandan Ee Gobolka cayn ayaa sheegay in ku ...
Deg Deg Daawo Muuse BiixI Oo Su ‘allo Adag Lagu Boobay,
- Jun 15, 2019
Hogaamiyaha maamulka SNM Oo maanta Daah Furaayay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee maamulkaasi ayaa su ...
War Deg Deg Ah::Xasuuq Ka Dhacay Magaaada Gaalkacayo
- Jun 15, 2019
Galkacayo: Warar ayaa sheegaya in 9 qof lagu dilay caawa duleedka Gaalkacyo halka mid ...
Deg Deg Daawo:Dagaal Culus Oo Ka dhacay Magaalada Badhan
- Jun 15, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad Xalay magaalada Badhan ...