dahabshiil

Deg Deg:Dawlada Soomaaliya Oo Dhex Galgalatay Xiisada Xuutiyiinta iyo Sacuudiga

 Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay aad ugu cambaareysay weerar ay diyaarado drone ah oo sida walxa qarxa shalay ku qaadeen goobo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid argagixiso.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxa ay sheegtay in “ficilladaas fallaago-nimada ah ay u aragto kuwo halis ku ah nabadda gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay hoggaanka, dowladda iyo shacabka Sacuudiga xilli ay wajahayaan isku day taabanaya amniga qarankooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee dagaalka kula jira Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo.

Weerarka ayaa yimid laba maalin kadib markii Sacuudi Carabiya ay sheegtay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay “waxyeello xooggan” kasoo gaartay weerar arbushaad ah oo axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. firdhiye says:

    Yaa og waxay waxan u malmaluuqayn dhal faqash waa xamar doorkan xoolaha xajka ha ka qaatayn si berbara Somaliland looga soo wecsado
    KSA waa aqaan xoolaha bad xagay jiraan
    berbara xaniid carabka sucudigii wuu aqaan

  2. firdhiye says:

    mid kalaa iyana jirta isbaahaysigii badda cas oo sacuudigu hormood ka ka yahay ayaa xagaa iyo Somaliland soo salaamay

    taasina waa ku kaliftay inay waxan malmuluuqaan
    turkigii iyo qadar wax ma idiin tariwaayayn

  3. DAACAD says:

    Dadkooda isxasuuqaya ha canbaareeyaan oo caqli ha u noqdaan intey meel aan laga aqoon AMA laga dooneyn cabid iyo adoon madow looga yaqaano ay dabadhilifka u yihiin iyagoo shaxaad iyo shillimo ku raba.




script>
Bahda Khaatumonews Oo Dhambaal u Dirtay Reer Khaatumo,the people of khatumo
- May 19, 2019
Maamulka iyo Shqaalaha Shabakada khaatumonews waxaa Ay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa Gobolada SSC ...
Daawo:Burco Hargaysa Ceerigaabo Oo Calanka Somaliya Is Qabsaday iyo Baadi Goob Oo Niyada Jabiyay Jeegaanta,
- May 19, 2019
Shabakadda caalamiga Ah Khaatumonews Waxaa Ay Halkan idiin ku soo gudbinasa Barnaamjika Baadi Goob ...
Deg Deg Daawo:Sida Laascaanood Maalinta Qashinka 18 May Looga Guray
- May 18, 2019
Waxaa maanta magaalada laascaanood luuq kasta iyo jidkasta maleeshiyaadka SNM dhigen ciidan si aan ...
Deg Deg Daawo:Muuse Biixi”Puntland Hasoo Dayso Maxaabiistii Tukaraq Anaguna Waanu u Siidaynana Kuwan Hayno’
- May 18, 2019
Hogaamiyaah maamulka SNM Muuse Biixi ayaa caawa ku dhawaaqay In uu Siidaynaayo maamulkiisu Maxabiisti ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Ajaniibta ku Sugan Xerada xalane Muqdisho Oo Maalinta Qashinka 18 May Ka Qeyb Qaatay.
- May 18, 2019
Iyadoo maanta Gobolada Dalka soomaaliya Gaar ahaan Kuwa khaatumo ay u tahay Maalinta Nadaafada ...