dahabshiil

Deg Deg Daawo:Deni oo shaaciyay Qodobadii la isku mari waayay Shirkii Garawe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe wuxuu kaga warbixiyay qodobadii sababatay inuu burburo shirkii wadatashiga ahaa ee uu dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu ka sheekeeyay sida uu ku yimid qorshaha in ay kulmaan madaxda federaalka iyo Maamul goboleedyada oo aan muddo sanad ah is-karin, waxaa kaloo uu ka sheekeeyay qodobadii masiiriga ahaa ee la isku afgaran waayay, kuwaasoo sababay in shirku burburo.

“Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa xusay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS.

“Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”.

“Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

“Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadkay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

“Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”.Ayuu Yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mahadnaqay dhammaan shacab weynaha Puntland, gaar ahaan shakhsiyaadkii ka qayb qaatay soo dhoweynta wafuuddii kala duwanayd ee soo gaaray Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in mar waliba la ilaaliyo jiritaanka iyo nidaamkii Puntland lagu aas aasay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Elmi says:

    Ilaa hadda ragan waa Wayne ee mesh’ xooga ku jooga waxa iskaga qaldan maamul gobaleed iyo dawladda deniyow waxaad tahay madaxa maamul gobaleedka matihid dawlad state Ohio ninka haystaa ma sheegto madaxweyne . Dalku Hal madaxweyne ayuu leeyahay ogolaada waxa aad tihiin sharciga ha lagu kala baxo salaama

    • Layla siciid says:

      Dalkuu waa federaal wakhtigii kaligiis taliska aha wuu tagay maalintii siyaad bari dhacay. Dowladda federaalka yuu dowladdaha xubinta ka ah waa ineey isla shaqiiyaan waa salaam

  2. Awdal state says:

    Duqii Lagama raysan oo Afkaa diidayoo nacaye. Dadwaynow su aal diiran baan idiin waydiine Duqii hore Maxaa loo eryoon Kula dagaalney? Ka daroo dibi dhal Baan aragney iyo faruqyo daacuune . Yaa haya gabayga intiisa kaleh?




script>
Bahda Khaatumonews Oo Dhambaal u Dirtay Reer Khaatumo,the people of khatumo
- May 19, 2019
Maamulka iyo Shqaalaha Shabakada khaatumonews waxaa Ay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa Gobolada SSC ...
Daawo:Burco Hargaysa Ceerigaabo Oo Calanka Somaliya Is Qabsaday iyo Baadi Goob Oo Niyada Jabiyay Jeegaanta,
- May 19, 2019
Shabakadda caalamiga Ah Khaatumonews Waxaa Ay Halkan idiin ku soo gudbinasa Barnaamjika Baadi Goob ...
Deg Deg Daawo:Sida Laascaanood Maalinta Qashinka 18 May Looga Guray
- May 18, 2019
Waxaa maanta magaalada laascaanood luuq kasta iyo jidkasta maleeshiyaadka SNM dhigen ciidan si aan ...
Deg Deg Daawo:Muuse Biixi”Puntland Hasoo Dayso Maxaabiistii Tukaraq Anaguna Waanu u Siidaynana Kuwan Hayno’
- May 18, 2019
Hogaamiyaah maamulka SNM Muuse Biixi ayaa caawa ku dhawaaqay In uu Siidaynaayo maamulkiisu Maxabiisti ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Ajaniibta ku Sugan Xerada xalane Muqdisho Oo Maalinta Qashinka 18 May Ka Qeyb Qaatay.
- May 18, 2019
Iyadoo maanta Gobolada Dalka soomaaliya Gaar ahaan Kuwa khaatumo ay u tahay Maalinta Nadaafada ...