dahabshiil

Deg Deg:Axmed Madoobe Oo Qorshe Yaab leh Soo Dhigay.

KIsmaayo{ Khaatumonews }Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha amaanka ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan xubnaha aadka ugu dhow maamulkiisa.

Saraakiil katirsan Milateriga Magaalada Kismaayo ayaa Khaatumonews u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu u yeeray Dhowr Sarkaal iyo la-taliyayaal uu leeyahay oo dhanka amaanka ah, waxayna kawada hadleen Xaaladda magaalada Kismaayo iyo doorashada 2019 ee hogaanka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Saraakiishii uu la kulmay u sheegay in Kismaayo uu ka bilaabin doono qorshe hubka looga qaadayo dhamaan Ciidamada hubeysan ee taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku dhow Musharaxiinta qaar.

Arrinta ayaa u muuqato beegsi loo geysanayo dhamaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidan ee loo arko in ay ka hor imaan karaan Axmed Madoobe, kuwaas oo aan loo fiirin doonin oo kaliya in Dowladda ay ka tirsan yihiin balse sidoo kale laga dhax-raadin doono Ciidamada iyo Saraakiisha Jubbaland.

Howlgalkaan waxaa lagu wadaa in ay qayb ka qaataan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay daacad u yihiin hogaanka Axmed Madoobe maadaama ay dano dhaqaale oo badan ay ku qabaan Gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Qorshahan Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaal uu ku xaqiijinayo in dowladda Soomaaliya aysan awood u yeelan inay fara-geliso doorashada maamulka Jubaland ee dhowaan dhacaysa.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in Kismaayo ay mar kale marti geliso dagaalo Sokeeye oo dhiig badan ku daato, hadii aysan xaaladda sidaan iska badalin.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. hawd iyo galaydh says:

    waa sidaas al sayid axmed masaafuri dhamaan ,kuwa u adeega xamar

  2. Abdirashid says:

    Below falalow benlow falalow khatumo news waxad no so malmaluqdey waxa ad calosha ka jeceshahey kismayo ciidan dawlada somaliya tagersan ma jogan mida kale ma jiro ciidan musharaxin qar tagersan ilaladi serar e airporka kismayo xabadda ka ridey 3askarina wa dhawac intii kalena wa la xirey isla malinki ay xabadda riden marka kismayo wa magalada ugu nabadgalyada badan somaliyo dhan dorashaduna wa dhaceysa xiligeda 4more years shiikh axmed maxamed islam wa iska diyar buju cid dhihi kartana ma jirto musharaxin xamar laga so direyna hotelo ayay edab ku jogan mid ka mid ahna buju ma dhihi karo hadu dhahana wa la masafurinaa wa bilahi tawfiq




script>
Deg Deg:Somaliland Oo Magaca Iska Badelaysa
- Jul 23, 2019
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey ...
Caasha Geelle Gaalkacayo Laga Qabto””Hadaa Tahay Hooyo Sharaf Leh Ma Ragaad La Hirdami laheed Ma Hinaasad Badin Laheed “”
- Jul 22, 2019
Waxaan Daawaday Muqaalkan Haweenayda lagu Magacaabo caasha Geelle Diiriye oo kamid ah Haweenka Gaalkacayo ...
Deg Deg Daawo::-Ciidamada Buuhoodle Oo Fariin Udiray Maamulka Somaliland,
- Jul 22, 2019
Maamulka Somaliland ayaa wada olole la doonaayo in lagu maja xaabiyo Gobolka cayn iyo ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Ciidan Xoogan Buuhoodle Ku soo Bandhigtay,
- Jul 22, 2019
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Maanta kusoo Bandhigay Ciidamo ...
DAAWO:Dawlada Somaliya Dab Ku Qabanasa Boosaaso iyo Cali Saleebaan,
- Jul 22, 2019
Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo ...